Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Cashuur lagu soo rogay cidii cunta nafar bariis ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeisa (Qaran news)-Waxa la hir galiyay in qof kasta oo cunto ka dalbada Hudheelada laga cunteeyo ee dalka ay dadka macmiisha ahi ay bixiyaan cashuur.

Tusaale ahaan sidada nafar bariis ah ama baasto ah taasi oo ayna dad badan oo qadaa ma dhargaan ahi ayna qaadi karin, xiligani oo ay busaarad xoogani dalka ka jirto.

Inkasta oo ay waajib tahay in cashuurta dalka la bixiyo hadana xukuumaddani Kulmiye ee dalka maamulaysaa waa markii u horaysay ee cashuur noocani ah dalka laga fuliyo.

Caawa Hotel Hargeisa caasimada Somaliland ku yaala oo aan waydiinay waxa cashuur ah ee saaran qofka nafar bariis ah ka cuna waxa uu noo xaqiijiyay in qofkii cuna nafar bariis ah ay cashuurta saaran lacagta uu bixinayaa ay tahay Kun shilinka Somaliland ah hadii aad dalbato was lad hilib ah iyo wixii raacaaya waa lacag taasi ka badan.

Arinkani oo ah dhaqan cashuureed oo dalka ku cusub ilàa hada xisbiyada mucaaridku kama ay hadal. Hase ahaatee wasaaradda maaliyada Somaliland qoraalo ay sudhay Hudheelada ilaa hada laga hir galiyay waxa uu u dhiganyahay sidani hoos ku sharaxan.

20230707_203415-scaled.jpg

20230707_203407-scaled.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this