Sign in to follow this  
Deeq A.

Laas-caanood waxa ka dagaalamaaya al-shabaab” Xildhibaan Olivier Cadic

Recommended Posts

Deeq A.   

“Laas-caanood waxa ka dagaalamaaya al-shabaab” Xildhibaan Olivier Cadic

IMG-20230707-WA0007.jpg

Hargeysa(Qaran)-Xildhibaan Olivier Cadic ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha al shabaab ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood, sida xogo uu helay tilmaamayaan.

Md. Cadic oo Arbacadii dalka ka dhoofay, ka dib booqasho saddex maalmood qaadatay oo u uku yimi ayuu kulamo kala duwan kula yeeshay Madaxweynaha JSL Md. Muuse biixi, xubno ka tirsan xukuumada, goleyaasha qaranka, Safiirka Taiwan ee Somaliland iyo masuuliyiin kale.
Mar uu warbaahinta uugu waramay madaarka Cigaal ayuu sheegay in laascaanood al shabaab ka dagaalamayso, waxaanu yidhi,
“waxa jira caddeymo ku filan oo sheegaya inay al shabaab ka dagaalamayaan. Al shabaab keliya khatar kuma aha Somaliland, laakiin dunnida dimoqraadiga ah.
Xildhibaan Cadic ayaa ballanqaaday inay Somaliland ka taageeri doonaan sidii looga adkaan lahaa al shabaab, sidoo kale waa inaan garab istaagnaa Somaliland si aan faragelin loogu samayn, una noolaadaan six or ah.

“Somaliland waxay tusale dhinaca adkeysiga u tahay Afrika, iyo dunida kale. Siyaasi hore oo Faransiis ah Victor ayaa yidhi “dadka noolaada waa kuwa dagaalama, xoriyada la isma siiyo waa loo dagaalamaa, dadka reer Somaliland waxay u dagaalamayaan xornimadooda.”

Xildhibaan Cadic ayaa sheegay inuu booqasho u uku tegay Berbera ku soo arkay maalgashi badan oo laga sameeyey iyo marinka Berbera Corridor, waa wax weyn oo horumarka dalka wax ka taraya,
“Waxaan hubaa in dalal badan oo kale iman doonaan, waana hanaan cusub oo loo adeegsan karo xidhiidhka berbera la leedahay caalamka.”

Waxuu sheegay in kulan uu la qaatay wakiilka Taiwan ee Somaliland si weyn uugu farxay go’aanka Taiwan la qaadatay Somaliland
“waan ku farxay wacadka Taiwan la qaadatay Somaliland inay ka taageeraan dimoqraadiyada, dhinaca caafimaadka, tiknoolajiyada, waa dal dimoqraadi ah oo arkay dal kale oo dimoqraadi ah.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this