Deeq A. Posted July 7, 2023 Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa gaaray dekedda magaalada Lagos ee dalka Nigeria. arrintaas oo kor u qaaday dareenada laga qabo, in Shiinuhu uu doonayo inuu saldhig milateri ka samaysto gacanka muhiimka ah ee Guinea. Saraakiisha Shiinaha iyo Nigeria ayaa safarkan ku macneeyey in looga dan leeyahay kor u qaadista xiriirka ammaanka ee dhinaca badda ee gobolkaas. Shiinaha oo haatanba saldhig milateri ku leh dalka Djibouti ayaa la rumaysan yahay inuu qorshaynayo inuu saldhigyo kale samaysto. PUNTLAND POST The post Maraakiibta dagaalka Shiinaha oo gaaray dalka Nigeria appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites