Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo cambaareeyay weerarada Israa’iil ku qaaday Qaxootiga Jenin

Recommended Posts

Deeq A.   
guteres-860x601-1.jpg?resize=860%2C601&s

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhaleeceeyay weerarada ciidamada  Israa’iil ay ka fuliyeen xerada qaxootiga ee Jenin oo ka tirsan  dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Weeraradaan oo ah kuwii ugu ballaarnaa muddo labaatan sano ah waxaa ku dhaawacmay In ka badan 100 qof oo rayid ah, kumannaan qof ayaana lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan, iyadoo burbur uu asoo gaaray iskuullada , isbitaallada iyo shabakadihii biyaha iyo korontada intii uu socday howlgalka ciidamada Israa’iil.

Guterres ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay ka hor istaageen dadka dhaawaca ah in ay helaan daryeel caafimaad, kadib markii shaqaalaha samafalka loo diiday in ay gaaraan dadka u baahan samatabixinta.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa xasuusiyay Israa’iil in in ay mas’uul ka tahay in ay hubiso in dadka rayidka ah laga ilaaliyo dhammaan falalka rabshadaha leh.

“Duqeymaha cirka ee Israa’iil iyo howlgallada dhulka ee lagu qaaday xero qaxoonti waxay ahaayeen rabshadihii ugu xumaa ee ka dhaca Daanta Galbeed ,waxayna saameyn weyn ku yeelatay dadka rayidka ah,” ayuu yiri Guterres.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo cambaareeyay weerarada Israa’iil ku qaaday Qaxootiga Jenin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this