Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo Jeneral Gurey u magacaabay taliyaha ciidanka daraawiishta Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabaas-Gurey-scaled.jpeg?fit=2560%2C1703

Kismaayo (Caasimada Online) – General Cabaas Ibraahim Gurey ayaa loo magacaabay magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Gedo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo magacaabay Taliyaha cusub.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu garwaaqsaday muhiimadda ay leedahay in dib-u-dhis lagu sameeyo Ciidanka Daraawiishta Qaybta Gobolka Gedo.

Tani ayaa imaanaysa maalin uun ka dib weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay ka gaysteen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo.

Ciidamada degan Xerada Gariley ayaa u badan kuwo ka amar-qaata General Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa 29-kii bishii June sheegay in xeraadaasi ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Militariga Kenya ee ka tirsan ATMIS ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa xeradaasi, iyagoona qayb ka noqday qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka.

The post Axmed Madoobe oo Jeneral Gurey u magacaabay taliyaha ciidanka daraawiishta Gedo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this