Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in wasiir Huruuse uu is-casilay?

Recommended Posts

Deeq A.   
HURUUSE.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn looga hadal hayay baraha bulshada warar sheegayay in uu is-casilay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse).

Wararkaas ayaa waxaa gebi ahaanba jiritaankooda beeniyay wasiirka oo sheegay in uu safar shaqo ugu maqan yahay dalka dibadiisa.

Wasiir Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku tilmaamay wararka sheegayay inuu is-casilay kuwa been abuur ah oo lagu jahwareerinayo dadweynaha.

“Isma casilin; Wararka sheegaya in aan is casilay waa been abuur lagu jahwareerinayo dadweynaha,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse).

Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Safar shaqo ayaan dibadda ugu maqanahay.”

Wararka la isla dhexmarayay ee uu beeniyay wasiirka ayaa waxay kusoo aadeysa saacado kadib markii ay Xeer Ilaalinta sii deysay liiska masuuliyiin loo haysto musuq-maasuq oo qaarkood xiran yihiin, kuwa kalena ay baxsad ka yihiin cadaaladda, oo ay ku maqan yihiin dalka dibadiisa.

Waxay sidoo kale kusoo aadeysa xilli uu wasiirka ka maqan yahay dalka, taasi oo keentay in uu si deg deg u beeniyo wararkaasi oo si weyn la iskula dhex qaadayay saacadihii dambe baraha bulshada ee Internet-ka.

The post Maxaa ka jira in wasiir Huruuse uu is-casilay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this