Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga fal-celiyay tallaabadii uu maanta qaaday xeer-ilaaliyaha qaranka?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xeer-ilaaliyaha-qaranka-saleebaan-suleyb

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay liis uu maanta shaaciyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, kaasi oo ay kasoo muuqdeen illaa 18 masuul oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne.

Masuuliyiintan loo haysto musuq-maasuqa ayaa waxay Sagaal kamid ah ay baxsad ka yihiin cadaalada, halka Sagaalka kale ay xiran yihiin, sida uu shaaciyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay daba-gal ku hayso shaqsiyaadkaasi. islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in cadaaladda la horkeeno masuuliyiintaasi.

“Dowladda Soomaaliya waxay wada shaqeyn la leedahay Booliska Caalamkga ah ee INTERPOL,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha oo sheegay in kiiskaan ay la kaashan doonaan, si gacanta loogu soo dhigo eedeysanayaasha baxsadka ah oo intooda badan haatan ku sugan dalka dibaddiisa.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo horay dowladda federaalka u xirtay masuuliyiin dhowr ah oo loo haysto musuq, kuwaasi oo qaarkood la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Ibraahim Saciid: “Wali laysma gaarin intaa arkeeno wasiiro loo xiray musuq-maasuq, howshaan waa billow fiican laakiin wasiirada iyo madaxda sar-sare ku xijiya.”

“Dadbaa hadhow qabiil ku taageeri doona dadka tuugada ah Khawaarijta sida loola dagaalay ayaa tuug loola dagaalamayaa, waa ku mahadsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh la-dagaalanka musuqa,” ayuu yiri Maxamed Cadde oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Yuusuf Qurbo: “Kuwa baxsadka waxaa ugu baaqayaa inay sharciga horyimaadaan waxa ay kala kulmaane qaataan.”

Aweys Axmed Taako ayaa isna yiri “Waa wax aad loogu farxo in maanta maqleyno eedeysanayaal loo haysto musuq, waxaa mahadeyda leh madaxda qaran oo igu horeyo Birmad Xasan Shiikh.”

“Masha Allah waa maalin weyn. Kuwa shacabka maatada ah qarxinaya iyo kuwa xaday xoolihii amnigooda lagu sugi lahaa waa isku mid,” ayuu yiri Yuusuf Cali.

Calasow Maxamed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada ay qaaday Xeer-ilaalinta ayaa yiri “Toos ayaa la iskugu bareeray markaan. Waxaan rajeynaa in madaxweyne Xasan Sheekh dalkaan u jiheeyo meel barwaaqo iyo horumar leh.”

Ustaad Saacid: “Bal meesha ay ku dhamaanayso aan aragno weli waan idinka guraynaa warka.”

“Xoolo dadweyne qof cunay ama awood dowladeed ku tagri falay khasaaro ayuu qabaa, waxaan rajeynayaa in maxkamad cadaaladda lasoo saaro oo siyaasad ka madax-bannaa, lagana ilaaliyo qaabkii Soomaalida inta badan lugu arki jiray ee xilka bursashada ahayd maadaama liiskaan masuuliyiin hore iyo kuwo hadda ahba ku jiraan,” Cabdikariim Xasan.

Liibaan Garaad: “Sidee qof eedeysane ah oo aan la xukmin loo faafin karaa magaciisa mise waa xukmanayaal oo maahan eedeysanayaal?.”

Aweys Axmed Cadaawe ayaa isna yiri “Cajiib qof walba oo dadwaynaha masaakiinta ah xoolohooda ka dhaca waa in la waajibaadkiisa la mariyaa.”

“Intaas oo dhan waxay dhaceen xiligii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa markaasee na leeyihiin musuq-maasuq ayuu necbanaa, muxuu wax uga qaban waayay waa-yahee,” ayuu yiri Cali Abuukar Shariif.

Axmed Faarax: “Cudurka halka sare hala ka soo bilaabo hadaad run sheegaysiin, bahashaan looma sinna.”

“Qoladaan laanta socdaalka ka shaqeyso ma waxay ku heshiiyeen dhamaantood in aysan dalka u shaqeyn oo ay ayaga shaqeystaan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed.

Mukhtar Marhaba ayaa isna waxa uu yiri “War dowladnimadii farahey ka baxday mar haddii sidaan dhan loogu falaadaayo musuq-maasuqa laftiisa ayaa si musuq-maasuq ah loola dagaalamayaa.”

The post Sidee looga fal-celiyay tallaabadii uu maanta qaaday xeer-ilaaliyaha qaranka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this