Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Beeraha Oo ka soo Laabtay Safar Shaqo oo uu Ku Soo Tagay Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Beeraha Oo ka soo Laabtay Safar Shaqo oo uu Ku Soo Tagay Yurub

Hargeysa (Qaran news) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo dalka dibeddiisa ku maqnaa, ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka oo Safar shaqo ugu maqnaa dalalka Yurub qaarkood, ayaa Maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha Hargeysa waxa ku soo dhaweeyay Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Beeraha iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka Cabdiqaadir, ayaa Jamhuuriyadda Jeeg kaga qayb-galay Shir ku saabsan Beeraha, waxaanu shirkaa ka dib u gudbay Dalalka kale ee Yurub.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this