Sign in to follow this  
Jacaylbaro

April 6 - The 29th Anniversary of SNM

Recommended Posts

SNM: Taariikhdu Dadkay Hagtaa!

“Wixii libtooyo ama guulo halgankii SNM ka biqlay maxsuul ahaan dadka (Somaliland) waa u dhex oo maanta iyo berrito toonna lama kala sheegan karo, taariikh ahaan se gadood dhacayba goobtiisa ayuu lahaa, berritona yeelanayaa….”

Soddon sannadood oo mid la’ ayaa hadda (April 2010) laga joogaa markii lagu dhawaaqay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM), 6dii April 1981, magaalada London. Waxa uu ahaa ururkii labaad ee mucaarid hubaysan ah ee saaxadda ku soo biira. Jabhaddii Dimoqraadiga Badbaadinta Soomaaliyeed (SSDF) oo fadhigeedu ahaa Addis-ababa ayaa ka horraysey.

Bilowgii Aasaaska iyo Dareennadii ka Dhashay

SNM aasaaskeedu waxa uu ka soo unkamay dibedda, siiba waddamada Khaliijka Carbeed, gaar ahaan waddanka Boqortooyada Sacuudi Areebiya iyo waddanka Ingriiska. Koox ka mid ahayd dad hore waddanka uga haajirey, una cuntami waydey siyaasaddii Kacaanka iyo qaarkood tii dawladihii rayadka ahaa ee ka horreeyeyba, ayaa ahayd ibo-furkii muuqdey ee aasaaska SNM. Gudaha laftiisa dareenkaas dad la wadaagaa iyana si qarsoodi ah ayay uga jireen.

Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sh Madar (AHUN), Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Aadan Wadaad-diid (AHUN), Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi, AHUN), Prof Cabdisalaam Yaasiin Maxamed, Axmed Maxamed Jaamac (Dable) iyo Axmed Maxamed (Seyidi) ayaa ka mid ahaa hormuudkii Khaliijka ka hinqaday ee hillaabta ka qaaday dareenkoodii geesinnimo ee mucaaridnimada hubaysan ahaa. Suurta gal ma ahayn in Sacuudiga urur dabeecaddaas leh laga dhisaa ama lagaga dhawaaqaa. Sidaas darteed ayay kooxdaasi inta ay dhigeen wixii ay gacanta ku hayeen ugu hulleeleen waddanka Boqortooyada Ingriiska, iyaga iyo koox kale oo halkaas sii joogteyna sannadkaas SNM ugaga dhawaaqeen.

Xilligii Wadaaddada (April 1981 – March 1983)

Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Jimcaale (AHUN) ayaa ka mid ahaa ragga kale ee kooxdaas London kaga biiray. Guddoomiyihii koowaad ee SNM waxa loo doortay Axmed Jimcaale oo xilka hayey muddo gaaban.

Ku dhawaaqaas SNM wax weyn ayuu ka beedelay siyaasaddii dalka, waxaana abuurmay xiisad iyo jawi tuhunno siyaasadeed iyo qaar qabali ah huwanaa oo kala gurasho iyo xeelado dahsoonba lahaa.

Dabayaaqadii sannadkaas 1981 waxa xabsiyada loo taxaabay dhallinyadii UFFO magaalada Hargeysa, waxaana taas raacay gadoodkii caanka ahaa ee ardayeed ee magaalada Hargeysa ee maalintii 20-ka Feberwari iyo dhawrkii cisho ee ku lammaanaa ee sannadkii 1982. Waxa kordhay oo baallaha fidsaday cadaadiskii maamulayaasha talisku dadka ku hayeen. 1-dii May 1982 waxa magaalada Burco ka dhacay muddaharaadyo ka dabqaadanayey kuwaas Hargeysa ka qarxaday. Muddo ka dibna waxa la xidhxidhay xubno ka mid ah dawladdii MS Barre, ayna ka mid ahaayeen Ismaciil Cali Abokor, Cumar Carte Qaalib, Maxamed Sh. Aadan iyo dad kale oo badan oo isugu jira saraakiil ciidammo iyo sibilba leh, iyo waxgarad kala duwan oo ka soo jeeda gobolladii Waqooyi.

Tuulada Dharkayn-geeye ee Degmada Buuhoodle waxa maxkamad milateri badhka taagtay oo si foolxun loogu toogtay Col. Cabdillaahi X. Siciid Cabdi (AHUN) oo ka mid ahaa saraakiishii ugu qiimaha badnayd XDS, taas oo dareen weyn ku dhalisay oo dhiillo gelisey saraakiil badan oo ka soo jeeddey gobolladii waqooyi.

Bilowgii Xidhiidhka Itoobiya

Saraakiishii ugu horraysay ayaa ka gudubtey xuduudda oo u tallowday dhanka Itoobiya.

Maxamed Cali Faarax (AHUN) iyo Jabhaddii Afraad ayaa ka xidhiidh furtay ciidamadii Soomaaliya. Aadan Sh. Maxamed (Aadan Shiine, AHUN), Axmed Dhagax (AHUN) iyo Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka goostay saraakiishii ciidamada. Dawladdii Itoobiya ayaa saraakiishaas u soo jeedisey in ay ku biiraan SSDF oo saldhigyadeeda ciidameed daadsanaayeen soohdinta u dhaxaysa labada waddan min Goraya-cawl oo galbeedka Hargeysa ku qumman ilaa koonfurta shishe ee Soomaaliya.

Saraakiishaasi waxa ay diidmo ku qaaddeceen codsigii Itoobiyaanka, waxanay u sheegeen in ay ka mid yihiin Ururka SNM oo markaas fadhigiisu ahaa London. Halkaas waxa ka bilaabmay digorogashadii maamulka ee SNM uu Itoobiya ugu soo guurey. Markii ay SNM hoggaankeedu Addis-ababa ka soo degey, waxa dawladdii Mingiste Hailu Mariam oo tixgelinaysa culays kaga imanayey dibedda, gaar ahaan, Yemen iyo Liibiya ay hordhigtay hoggaankii cusbaa ee SNM hindise uu qorshihiisu ahaa in ay la midoobaan SSDF oo lahayd xilligaas xoog ciidameed oo dhisan iyo taageero siyaasadeed oo ay ka haysatey waddamada ay ka mid ahaayeen Itoobiya, Liibiya, Yemen iyo Suuriya.

Hoggaankii SNM waxa uu hindisaha qorshahaasi ku noqday “laf dhuun gashay”! Cunaha ayuu u dhaafi waayey oo wuu liqi kari waayey. Laba arrimood ayaa diidmadaas hoosta ka xarriiqayey. Ta hore, hoggaankaasi markiisii horeba waxa uu dareen quus iyo qoomammo ah ka huwanaa is-raacii Lixdankii ee Soomaali Waqooyi iyo Ta Koonfureed oo xubnihii sare ee hoggaanku ay u aanaynayeen midowgaas laftiisa wax alle wixii dib u dhac iyo foolxumooyin gobannimo dabadeed waddanka ka dhacay. Sidaas darteed hoggaanku waxa uu bayr ka lahaa, sasna ka qabey oo aan la soo marin karayn magaca Koonfur iyo wax la yeelashadiisaba. Ta labaadna ee taas sii badhitaarayseyna waxa ay ahayd cududdii dhaqaale, ciidameed, iyo awooddii siyaasadeed ee gacanta Col. Cabdillaahi Yuusuf ku urursanayd oo ahayd mid aan wadaagga u jajabnayn oo keli toocsi ku dhisnayd. Hase yeeshee in Somaliland gooni isu taagtaa ma ahayn marna siyaasad u meel taalla qorshe ahaan SNM, waxa se uu ahaa fikir dadka dhex yaalla oo marba sii shiiqayey oo Federal ayaa loogu hadal hayn badnaa, dareenka se gooni isu taaggu waxa uu laabta la soo kacay markii dambe ee gumaadka iyo burburka xumi dhaceen, iyo hindisayaashii kooxdii Manafesto ee Muqdisho markii lagu dhawaaqay dawlad haba yaraato’e aan SNM laga talo gelin oo gacan-ku-rimis ah.

Hoggaankii SNM ee Addis-ababa yimi waxa haddaba uu waayihii adkaa ee xilligaas hor yaalley kaga tallaabsaday hal-adaygnimo. Waxa ay xubnihii hoggaanku go’aansadeen in haddii Itoobiyaanku ku jujuubaan wax aanay raalli ka ahayn ay ka tegayaan Itoobiya, waxaanay ka codsadeen in tigidhadoodii dib loogu xajiso, si ay ugu laabtaan halkii ay ka ymaaddeen, taas oo Itoobiyaankii fajiciso iyo la yaab ku noqotay oo aanay ka filayn.

Ciidamadii Afraad ee Maxamed Cali (AHUN) iyo saraakiishii kale ee soo tallowday ee Aadan Shiine (AHUN), Axmed Dhagax (AHUN) iyo Maxamed Kaahin oo xuduudda ku sugnaana hore waxa ay Itoobiyaanka ugu sheegeen iyana in ay SNM ka tirsan yihiin oo aanay SSDF ku biirahayn. Waxa kale oo jiiddaas si habqan ah ugu soo gurmayey oo gudaha ka soo goosanayey saraakiil iyo dad kale oo qubane ah maalin kasta, kuna soo biirayey SNM.

Aqoonsigii ugu Horreeyey

Idii Jan. 1983 waxa ay SNM jebisey jeelkii ugu weynaa gobolladii Waqooyiga ee Mandheera, kana sii daayeen oo soohdinta ka soo tallaabay maxaabiis kor u dhaaftay 700 qof, kuna jireen maxaabiis siyaasadeed. Arrintani waxa ay soo jeedisey indhihii rayal caalamka, waxanay SNM-tu ka heshay aqoonsigii ugu weynaa ee siyaasadeed iyo kii milateri ee ugu horreeyey.

Dawladdii martida loo ahaa (Itoobiya) dib ayay uga guratay hakad ahaan hindisihii ku saabsanaa in SNM-tu ay SSDF-ta ku biirto ama la midowdaba. Waana marka la samaynayo isku xidhka hawlgallada guud ee dhanka milateriga labada jabhadood iyo wadaagga Idaacaddii Radio Kulmis oo markaas ka dib la magac baxday Idaacaddii wareegi jirtey ee Codkii Midaysnaa ee Xoogagga Mucaaridka ee Radio Halgan.

Shirweynihii Koowaad ee SNM ayaa Herer ka dhacay March 1983, waxaana Guddoomiye loogu doortay Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar, ku xigeenna Xasan Aadan Wadaad-diid iyo Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi) oo isna noqday Xoghayaha Guud, saddexdaba Alle ha u naxariisto’e.

12-kii April 1983, waxa Birjeex, magaalada Hargeysa, dharaar cad lagala soo baxay Col Cabdillaahi Askar Barkhad oo halkaas laba-dible silsilad ugu yoongaysnaa.

Cadaadiskii iyo bahdilkii General Maxamed Xaashi (Gaanni) oo “Diiriye” looga yaqaannay gobolladii Waqooyi, ayaa cirka isku shareeray oo gaadhey heerkiisii ugu af-yuubnaa. Mawjad dad ah ayaa ku soo jabtay oo ka soo tallowday diillinta soohdineed ee labada waddan, kuna soo sunsumaysey maalin kasta saldhigyadii cusbaa ee SNM.

SNM waxa ay noqotay xoog aan dhayalsi gelin oo siyaasad ahaan iyo xag ciidameed baallaha la kala baxaya oo gobolka ku soo biiray.

Bilowgii Khilaafyada

Kobocaas degdegga lahaa ee SNM waxa la jaanqaadayey oo uu caloosha ku sitey khilaafyo iyo muranno siyaasadeed oo cidhibta ku hayey kala duwanaantii aragtida iyo qabitaannadii feker ee kooxihii kala duwanaa ee SNM isugu yimi, gaar ahaan hoggaankii sare ee dibedda ka yimi iyo dadkii gudaha ka soo baxay, siiba saraakiishii sarsare ee ciidamada iyo waxgaradkii kale ee isna gudaha ka yimi oo qaabili la’aa straatiijayadii hoggaanka oo si qayaxan u gobolaysnayd, lahaydna lifaaqyo iyo dareenno qabali ah oo aad u xoog badan. Taas oo SNM la sii koraysey marxalad iyo amin kastaba. Is-haystayaal la haysto ayaa SNM xilliyada qaarkood lagu masaali karayey oo khilaafyadu gaadhsiiyeen, hase yeeshee mar kasta burbur way ka nabad gelaysey.

Midabada khilaafyadu marba marka ka sii dambeeya waxa ay u sii xuub-siibanayeen dhanka kala baxa, waxaana sii xoogaysanayey aragti hoosta ka xarriiqaysey in hoggaankaas sare ee dibedda ka yimi aanu karti iyo awood u lahayn inuu waajaho oo buuxiyo baahidii dadka ee gudaha ka jirtey iyo siyaasaddii mandaqiga ahayd ee gobolka xagga Soomaalida iyo dhanka caalamkaba.

Xilligii Saraakiisha (Nov. 1983 – Aug. 1984)

Toban bilood ka dib markii hoggaankii Sh.Yuusuf xilka loo doortay, Nov. 1983, ayaa hoggaankii saddexaad ee SNM xilka lagu wareejiyey magaalada Herer. Hoggaankaas waxa keenada u qabtay saraakiishii ciidamada xag siyaasadeed iyo mid dagaal gelineedba.

Guddoomiye waxa loo doortay 1. Cabdilqaadir Koosaar Cabdi (AHUN), ku xigeenna 2. Aadan Sh Maxamed (Aadan Shiine, AHUN), 3. Maxamed Kaahin Axmedna Xoghaye Guud.

Dhinaca kale waxa dabka kulaalayey oo xeryaha iyo xarumaha SNM-ta dhuxulo dhabataysanayey oo tuurnaa saraakiil laxaad leh oo ku cindanayd hawlaha dagaal gelineed xilligaas ay saraakiishu hoggaanka la wareegeen Nov. 1983. Waxa ka mid ahaa saraakiishii maalintaas goobjoogga ahayd intooda mootan maanta haddii aynu ku horrayno, kana soo bilowno Alle ha u wada naxariisto dhammaantoode: Cabdilqaadir Koosaar iyo Aadan Shiine oo ahaa hoggaankii xilligaas, iyo Xasan Saleebaan-weyne oo isagu ahaa sarkaalkii ugu horreeyey SNM ee dagaalka ku naf waaya 4. Maxamed Xaashi (Lixle) 5. Axmed Dhagax 6. Maxamed Cali Faarax 7. Aadan Saleebaan 8. Mahdi Cali 9. Shakiib Cabdilqaadir 10. Ibraahim Koodbuur 11. Ibraahim Jaamac Dhiif (Halliqin) 12. Gacmadheere 13. Aadan Maxamed Dhamac 14. Xasan Younis Habbane 15. Dayib Gurey 16. Cabdillaahi Cali Suufi 17. Cabdi Siciid Muuse 18. Axmed Maxamed Siciid (Karandaash) 19. Abokor Ismaaciil Xasan Mataan (Shaadh-yare) 20. Xuseen Qarashyare 21. Cabdillaahi Mulac 22. Saleebaan Cilmi (Baylood) 23. Axmed Maxamed Guutaale 24. Capt.Daa’uud 25. Axmed Yuusuf (Qaaddiro) iyo qaar kale.

Inta maanta noolna marka aynu ka soo bilowno Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa hoggaankii xilligaas: waxa ka mid ah: 2. Ibraahim Dhegaweyne 3. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Laba-tolle) 4. Axmed Mire Maxamed 5. Cabdillaahi Askar Barkhad 6. Cali Hayaan 7. Maxamed Cawed Baxooshe 8. Ismiiciil Aadan Finije 9. Cabdiraxmaan Turki 10. Cali Xuunsho 11. Cabdiraxmaan Maxamed Case 12. Cabdi Ibraahin (Jaalle-diid) 13.Ciise Curaagte 14. Axmed Weysacadde 15. Mahdi Isxal 16. Xasan Cali Abokor 17. Jaamac Digaale Ducaale iyo qaar kale.

Siddeed bilood oo keliya ayay saraakiishu talada hayeen, waxaana xilligaas minjaha la baxay isu muuqasho iyo is indho buuxin la’aan saraakiisha dhexdooda ah. Guux arrintaas ka dhashay ayaa hoosta xarriiqayey in talada siyaasadeed ku habboon tahay in sibilka lagu celiyo oo saraakiishu u go’aan arrimaha dagaal gelinta. Xafiiltan qabali ah ayaa laftiisu SNM dhexdeeda xoog ku sii yeelanayey oo xitaa marka laga gudbo awood qaybsigii beelaha ku salaysnaa ee hoggaaminta, waxa qaab beeleed u dhisnaa saldhigyada SNM ee soohdinta ku teedsanaa oo Qaaxo loo yaqiin. Hase yeeshee xilligaas gaaban ee ay saraakiishu hoggaanka hayeen waxa ay ku tallaabsadeen hindisayaal wax ka beddelaya siyaasaddii halganka, sida in la ballaadhiyo dhulka SNM ka hawl gasho oo Koonfurta Soomaaliya fadhiisimo lagu yeesho iyo in la hagaajiyo xidhiidhka dawladaha caalamka ee halganka ehelka u noqon kara ee taageero diblomaasi, milateri, dhaqaale, waxbarasho iwm laga heli karayey, arrimahaas oo bilow ahaan meerisyo hore u dhaqaaqeen.

Xilligii Siyaasiyiinta (August 1984 – May 1993)

August 1984 ayaa la doortay hoggaankii afraad ee SNM. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa guddoomiye loo doortay. Markii ugu horraysey ayay SNM jebisey derbigii gobolaysiga ee dhismaha hoggaankeedu ku salaysnaa ama saldhigyada ciidamadeeduna u yaalleen. Waxa guddoomiye-ku-xigeen loo magacaabay Cali Maxamed Cosoble (Cali Wardhiigley, AHUN) oo ahaa ruugcaddaa Siyaasi ah oo reer Muqdisho ahaa. Waxa kale oo golihii fulinta iyo kii dhexeba ku soo biiray xubno door ah oo Koonfur ka soo jeedey, ayna ka mid ahaayeen Cali Hagarrey, Sheekh Yarow, Col. Gorgor, Cabdinaasir Sheekh Cali (AHUN) iyo qaar kale. Fadhiisimmo cusub ayay SNM ka yagleeshay jiid-soohdimeedda gobollada Hiiraan (Mustaxiil), Gedo, Bay iyo Bakool (Doolow iyo Buur Aaminow iwm).

Faramahan cusubi iyo siyaasadda ka dambaysaa culays weyn iyo halis badan ayay ku keentay maamulkii magaalada Muqdisho. Dhinaca kalena waxa isla markiiba doorashadaas ka dib (Oktoobar 1984) ciidamadii SNM ee saldhigyadii Qaaxo ay hore ugu ruqaansadeen gudaha oo galeen buuraleyda galbeedka Hargeysa, kuwa Sheekh iyo kuwa Waqooyiga iyo Bariga Burco ee Buurdhaab ka midka tahay.

Heshiiskii bakhti afuufka ahaa ee MS Barre iyo Mingiste Hailu ee Djibouti March 1988, waxa uu soo dedejiyey gudogalkii weynaa ee SNM ku jiidhay ciidamadii qaybta 26aad ee XDS. Waxa taas la jaan qaaday oo raacay burburkii magaalooyinka, gumaadkii aan kala sooca lahayn iyo barakacii weynaa ee dadkii magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Diyaaradihii dagaalka ee Xooggii Dalka Soomaaliyeed ayaa gegida Hargeysa ka haadey oo duqeeyey isla magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba, dadkuna sida duqsiga ayuu u le’day.

Axmed Siilaanyo waxa uu noqonayaa guddoomiyihii ugu wakhtiga dheeraa ee SNM soo mara (Agust 1984 – March 1990). Xilligaasi waxa uu ahaa xilligii ay SNM ugu xoogga badnayd milateri iyo siyaasad ahaanba, waxana xilligii uu ugu laxaadka badnaa khilaafkii iyo murankii SNM dhexdeeda oollimaadka ku lahaa.

March 1990 ayaa Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur, AHUN) Balligubadle loogu doortay guddoomiyihii shanaad ee SNM oo isna hoggaanka hayey ilaa dib u xorayntii buuxdey ee dalka iyo gooni isu taaggii ka dib, isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland. Si talowadaagnimo ah ayuu 1993 xilkii ugu wareejiyey Boorame, loona doortay Maxamed X. Ibraahim Cigaal (AHUN) madaxweynihii labaad.

Qiimayn Dul-ka-xaadsi ah

SNM waxa ay gashay halgan hubaysan iyo mid siyaasadeed oo ku suntami doona taariikhda casriga ah ee Soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna ta Somaliland. Taariikhda SNM waxa laga baran karaa qiyamta talowadaagnimo iyo isu tanaasulaadka ku tusmaysan.

Shan hoggaamineed oo saddex marxaladood lahayd (Wadaaddo, Saraakiil iyo Siyaasiyiin) ayaa isu kala beddeley hoggaaminteeda sare muddadii tobanka sannadood ahayd ee SNM qorigeeda ay xabbaddu dhuunta ugu jirtey, fartuna keebka kohanaysey. Isbeddeladaasi waxa ay ku iman jireen hannaanka wax wada gorfaynta, wada hadalka geedka hoostiisa, is dhegaysiga, wada doodka mararka qaarkood labada is haya cawshu dhex miranayso, is qancinta, isu tanaasulaadka iyo u xilashada danta guud iyo duugga taariikheed. Dawladdii loo martida ahaa, kuwii kale ee saaxiibka lala ahaa iyo xitaa cadowgii ay is hayeenba taas way la yaabi jireen. Halkii wadnaha farta laga hayey ama laga guuddarraynayey in fadhiga markaas lagu jiraa yahay kii SNM ay ku kala yaacaysey, ayaa aakhirka wax lagu heshiis yahay gunaanadku noqon jirey. Taasi la’aanteedu waa tii ay SSDF ku guuldarraysatay ee xooggeedii kala dhantaalay, markii dambena kala dirtay.

SNM waxa ay talada ku celisey dadka markii dalka la xoreeyey ka dib oo waa tii 1993 Boorame xilka iskaga wareejisey. Taasi ka baaqashadeeduna waa tii ay USC ku guul seegtay, markii dambena horseedday qalalaasayaasha la soo dabbaali la’yahay ee dagaallada sokeeye iyo ismaandhaafyada la hal maala ee gacan-ka-hadalka ah ee ilaa maanta dhisaalan.

Shaki kuma jirno in SNM meelo badan ka gaabisay ama ay ku guuldarraysatay. Waxa ugu weynaa dhalliilaheeda in ay abuuri kari weydey aragti ka shishaysa siyaasad qabali ah. Taas oo horseedday in ay awood u yeelan weydey in ay dadka ku qanciso mabaadida iyo dastuurkii u dhignaa, iyo in ay xilligii xoraynta ka dib dadka ka dhigi kari weydey qorigii ay u dhiibtay xilligii halganka hubaysan. Ismaandhaafyadii gacan-ka-hadalka ahaa ee xorraynta ka dib dalka ka aloosmayi waxa ay ka soo jeedeen arrintaas sida ay soo af-jarkoodiina uu jeeniga ugu hayey hab dhaqankii wada xaajoodka ku salaysnaa ee SNM-tu ballaysintay xilligii halgankaas hubaysnaa. SNM sidii jabhadihii kale ayay adeegsatay siyaasad aan ka casriyaysnayn tii ay ka horjeeddey marka laga eego docdaas cuskashada fog ee ku talax-tagga habka qabaliga ah ee beelaynta dadka, taas oo horseed ka noqotay tan maanta la furdaamin kari la’ yahay ee wixii loo dhaqaaqaba qabyaaladdu ka soo bannafayso!

Si kastaba ha ahaato’e, wixii libtooyo ama guulo halgankaas SNM ka dhashay maxsuul ahaan dadka (Somaliland) waa u dhex oo maanta iyo berrito toonna lama kala sheegan karo, taariikh ahaan se gadood dhacayba goobtiisa ayuu lahaa, berritona yeelanayaa. Maanta Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ama wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Cirro ama inta kale ee ka midka ahayd intii la safnayd siyaasaddii taliskii Maxamed Siyaad Barre lagama sheegan karo Somaliland oo ka mid ah guulihii SNM ka biqlay. Agoontii SNM ee aabbahood lagu diley halgankaas iyo agoontii uu dhalay aabbihii xagga kale ka sii jeedey ee isna halkaas ku dhintay, labada agoonoodba maanta xuquuq siman ayay Dastuurka Somaliland ku wada leeyihiin oo uma kala sed burin karo. Kala duwanaantu se waa sooyaalka taariikheed oo Daahir Riyaale iyo Cabdillaahi Cirrona ku suntaysa in ay ka mid ahaayeen adeegayaashii iyo saaxiibbadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Maxamed Seyidina aasaasayaashii SNM.

Ma debcayaal u taagnayaasha!

Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar (AHUN) iyo saddexda halgamaa ee nooli (Ina Xaashi, Xasan Ciise iyo Seyidi) waxa ay gaar u yeelanayaan hal-adaygnimo ay ku mutaysanayaan miigganaantoodii aanay maalinna bannaynin kaalintii ay ku lahaayeen goobihii halganku ka socdey ee safka hore iyo naf-hurka. Maalinna midkood afartooda kama uu bixin goobahaas dhimashada, dhaawaca, diihaalka iyo dacdarradu yaalleen, iyaga oo kari karayey in ay ku laabtaan meelihii ay markii hore ka yimaaddeen iyo shaqooyinkoodii ka dib markii xilka hoggaaminta SNM-tii ay unuggeeda lahaayeen laga wareejiyey sannadkii 1983 horraantiisii. Iyagu dee ma aanay shaqo tegin, nusasaacana (Break Time) ma aanay qaadan haba yaraato’e maalinna! Intii badnayd ee kale ee halgankaas ugu timaaddayna ee sifadaas la wadaagtaana way la yeelanaysaa gaarnimadaasi oo in kaleba ka baaqanayso wax ku lahaanshaheeda.

Sooryo Waayeel

Taariikhdu dadkay hagtaa. Waxa ay u jeexdaa tubta ay u mari karaan tooda kala dhantaalan isu toosinteeda, waxaanay bartaa ka baydhista halka uu ba’oodu oolli karo. Tagtadii shalayto waxa laga dhex dheehan karaa quruxdeeda ama foolxumaanteeda joogtadeenna maanta, timaaddadeenna berritona waxa laga sii dhex hilaadin karaa joogtadeenna maanta. Hadbana waa sida aynu ka yeello ee looga faa’iidaysto dhacdooyinka waayaha sidaan khalad iyo saxnaantoodaba. In hor la eego loo socdaana ka hagaagsan in dib loo gucleeyo oo raad arooryo uun dib loo raaco. Taariikhduna waa ifsigaas dariiqa uun. Intaas uun bay tahay in aynu ka baranno taariikhda sooyaal ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Qaranka Soomaaliyeed ee SNM oo maanta sagaal iyo labaatan jirsadey (April 1981 – April 2010), sooryo waayeelna waa ixtiraam, xurmo iyo xaq-dhawr uun.

Qalinkii Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Share this post

Link to post
Share on other sites

Who would of thought 29 years ago a group of men in Saudi Arabia and The united kingdom, an ideology they started abroad today is home to 3.8 million citizens With A flag And Constitution.

May allah bless Somaliland SNM we shall never forget you waryaa jacaylbaro marka snm lugu dhawaaqay Manaad talaabin

Sikaawe   

Viva SNM, our warriors, Allah may bless you all and your souls. Ameen.

-Rabbi derejadiisiyo deeqdiisa culus iyo diintaa ku dhaartay

-Culimada ducaysee lagu hubo daliilkee digridaan ku dhaatay

-Xilka dawlad nimdaiyo dalka iyo shinkiisiyo dadleh baan ku dhaatay

-Doodigii mandheeree laga qaxay dayaankiyo darban baan ku dhaartay

-Dhubad iyo galdogob iyo Digtii awrayaaliyo dudan baan ku dhaatay

- Birjeex doodankiisii laga diday kulkeedii dedsan baan ku dhaatay

-Lixle damacyadiisii, dirc ina Saleebaan duxan baan ku dhaatay

-Ifkuu Xaamud daariyo, Khaliif doorrankii sii dugan baan ku dhaatay

-Islaw dalabdhigiisii, Dalab Adan-shiiniyo dadban baan ku dhaatay

-Karuur duur xulkiisii iyo damalkii Koosaar dudan baan ku dhaatay

-Dildilaanka dhiigiyo inta nacabku dooxee dahan baan ku dhaatay

-Inta daaha dhagartiyo ku xidhxidhan daluuntee dabran baan ku dhaatay

-Dalandoolka caydhiyo, dingaraarka mudankiyo dibjirkaan ku dhaatay

-Inta cadowgu dayrshee debedaha u hoyatee dulman baan ku dhaatay

-Aqalada daloolee duulaabo hurudee dunsan baan ku dhaatay

-Garashada dareenkiyo inta laga dabqaatee i dirtaan ku dhaatay

- Dacar iyo ladh jiifiyo inta doogta kicisee damaqdaan ku dhaatay

-Inta dhiig is mariseeyo naxariista dunidiyo dumarkaan ku dhaatay

-Dab hadaad hunqaacdiyo hadaad daacdo dhabatoba

-Hadaad adigu doontiyo hadaad adigu diidaba

-Hadaad ii daraatiyo hadaad ii ducaysaba

-Hadaad maato dabatiyo hadaad doobta lalisoba

-Hadaad dooli noqotiyo hadaad daasas fagataba

-Hadaad geelal didisiyo hadaad daylo shabisoba

-Hadaad faan dudubisiyo hadaad been daldalataba

-Hadaad kaare ducatiyo hadaad geeri dihataba

-Hadaad doodi orodiyo hadaad doodan socotoba

-Hadaad soo durdurisiyo hadaad xeel la durugtaba

-Hadaad waali duushiyo hadaad xeel kudirirtaba

-Hadaad daad faruurtiyo hadaad soo da' fanataba

-Hadaad duusho kicisiyo hadaaddawri carisaba

-Hadaad dawga xidhatiyo hadaad dayr is marisoba

-Hadaad buur la deristiyo hadaad dooxyo qodotoba

-Hadaad doobir shidatiyo hadaad diino taxataba

-Hadii dhiigu daatiyo haday xaydhi dixataba

-Haday guushu dagatiyo haday daahyo rogataba

-Hadday qaanso debecdiyo hadday shiishli degentaba

Hadday daydo curatiyo hadday deero tebisaba

-Adoo dool dhaqaaqiyo adoo daata mooyee

-damac waa halkiisii dabna waa dabkiisii

-Dusdus kay ku dheregtee hadaan daalku dheeraan oo gabal baas u dumin nabad......

By Mohamed Ibrahim (Hadraawi), may Alla bless him too!

Dhib ,rafaad,naf hurid, daal ,iwm. ee loo soo maray gogosha xornimo ee bulshada Somaliland maanta ku dhacadiidayaan waxaa inta mudan u huray dad badan ,halka in badani maalintii SNM lagu dhawaaqay ay moodayeen guuldaro iyo gumaad bulshada Somaliland loo horseedayo. Indheergaradka sidaa si ka duwan arkayey waxaa ka mid ahaa dad badan oo dibadaha joogay arkay inay hawlgal u diyaar garoobaan inkastooy waxyaalo badan dabrayeeen . Hase yeeshee markay talo la wadaaageen naftoodii is tuseena in aanay haboonayn in laga hadho tareenkan shiraaqanaya horseedna u ah xornimo umadeed si kastooy ugu suurtogalaysay yeelay hurayna inta mudan eey awood u lahaayeen.

Halgankii hubeysnaa ee SNM muu aheeyn mid ku kooban qoriga caaradiisa ee wuxuu ahaa mid ka qoto dheer intaasi sida ka muuqataa tuducyada gabayga ah ee kor ku xusan. Halgankaasi waxa ka mid ahaa dad dibada ka taageerayey hadday noqoto inay qalin ku taageeraan iyo hadday noqoto qaar maaliyad iyo dhaqaale ku taageeraba. Haddaba tiirarkii waaweynaa ee SNM dhinaca dhaqaalahu kaga socday waxaa ugu waaweynaa dadkii ku noolaa waddamada carabta gaar ahaan waddanka Sacuudi Areebiya, iyo weliba Barigga Africa gaar ahaan waddanka Kenya.

Haddaba waddankaasi Kenya raggii tiirarka waaweeyn ka ahaa ee SNM la daba taagnaa dhaqaalaha joogtada ah, siyaasada iyo wixii la mid ahba kuwoodii ugu waaweeynaa waxaa ka mid ah;

1. Maxamed Jaamac Nuur "Blaki",

2. Idiris Xaaji Cismaan.

Labadaasi mujaahid waxay ka mid ahaayeen dadkii tirada badnaa ee asalkoodu uu ka soo jeeday Somaliland dhalasho ahaan, laakiin ku dhaqnaa awoow ilaa ka awoow Barriga Africa. Dadkaasi oo ka mid ahaa jaaliyadihii dibada ee udub dhexaadka u ahaa halgankii hubeysnaa ee SNM.

Labadaasi shakhsi waxay door lama ilaawaan ah ka soo qaateen sooyaalkii halgan ee SNM iyagoo xataa ay dhibaatooyin fara badani ka soo gaadheen oo ay ku kaliftay inay u iibiyaan guriyahoodii. Haddaba waxaa u suurto gashay Mareegta Farshaxan inay waraysi la yeelato Muj Maxamed Jaamac Nuur Blaki oo ay qormadan kaga waranto qoraal kooban oo ku saabsan taariikh nololeedkiisa. Iyadoo aanay suurto gelin in la waraysto Muj Idiris, haddana intii aanu ka maqalnay ayaanu in yar kaga odhan doonaa maqaalkan iyadoo mar danbe aanu ula kala gaala bixi doono taariikhdii halganka oo tafatiran.

TAARIIKH KOOBAN: Muj Maxamed Jaamac Nuur “Blaki”

Jaamac Nuur (IHUN) wuxuu ku barbaarey degaanka gobolka Togdheer ee wadanka Somaliland ,hase yeeshee socdaal uu ku tagay magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa suurtogaliyay inuu 1934kii ugu baqoolo dhinacaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Gu’gii 1950kii Waxaa aabo Jaamac Nuur iyo hooyo Maryan Cilmi ugu dhashay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya wiil ay ugu wanqaleen Maxamed. Waxaa la dhashay caruur dhawr ah kala ahna Faadumo,C/Rashiid,Aamina-Shaadi, Xasan, Axmed, Kinsi,Farxiya .Taasi waxay tiradooda ka dhigaysaa 4 rag ah iyo 4 dumar ah.Mujaahid Blaki wuxuu ku barbaaray magaalada Nairobi ee waddanka Kenya oo uu waxbarashadiisii hoose/dhexe ku qaatey dugsiga Tanzaniya Private School.Halka uu dugsiga sarena uu ku dhameeystay dugsiga sare ee Nairobi High.

Ka dib mujaahidku wuxuu u xoogsi tegay noqdayna shaqaale ka tirsan wasaarada dalxiiska (Ministry of Tourism), waxaanu isaga laftigiisu furtay shirkad gaar ah (private company)oo uu ka furay waddanka Kenya aanu isagu maalgaliyey. Iskufilnaanshaha dhaqaale ee Mujaahidku gaadhey wuxuu sababey inuu yeesho saaxiibo badan oo ka tirsan xukuumada Kenya, waxaase la yaab badneyd inuu yeesho taageerayaal badan oo aad ugu riyaaqsanaa heerka uu ka gaadhey tartankii baabuurta ee lagu qaban jiray geeska Afrika.Tani waxay aad ugu fududaysay inuu si hagar la’aaneed uga qayb qaatey halgankii xaq u dirirka aanu door laxaad leh ka ciyaaray halgankii hubeysnaa ee SNM kula jirtay teliskii Siyaad Barre.

Haddaba intaynaan u gelin taariikhda mujaahidka ee ku waajahan doorkii uu ka ciyaaray taakuuleyntaa halgankii SNM, waxay Mareegta Farshaxan jeceshahay inay sugto taariikh mujaahidku ku leeyahay tartan dadka madoobi ay ka madhnaayeen oo ah mid aad loogu faanno oo aanay dadka badankiisu ka war qabin.

TAARIIKHDII MUJ. BLAKI EE TARTANKA BAABUURTA (Sports Rally)

Muuqaalku dushu wuxuu inala wadaagayaa maalin mudan ka sheekayn,ididiilo badana galisay dadweynaha ku dhaqan qaarada Afrika gabi ahaan, gaar ahaana wadanka Kenya ka dib markay magacooga soo bandhigtay guusha uu soo hooyey Maxamed Jaamac Nuur “Blaki”.Waxaa kaloo muuqaalku tusayaa xeer ilaaliyihii guud ee dalka Kenya Mr.Charles Mugane Njonjo oo gudoonsiinaya abaal marin Maxamed Jaamac Nuur oo ahaa hormoodkii guushaa lagu ladey,wadeyna gaadhiga sumada tirsiimadiisu aheyd Car No.41.

Gu’gii 1978kii ayaa tartan baabuureed (Professional Motor Sports Rally - East Africa) uu ka dhacey geeska Afrika.Tartarkaasi si gaar ah ayaa looga soo dhaweeyey dalka Kenya ka dib markii uu Maxamed Jaamac Nuur guul u soo hooyey, noqdayna hormoodkii qaarada Afrika ama qofkii ugu horeeyey ee ka mid ah dadka ku abtirsada midabka madow ee badiyey tartan noocan oo kale ah .Tartankani waxaa loogu magacdarey ama uu ku suntanaa 1978kii Harambee Rally. Tani waxay ku khasabtey Mr.Charles Mugane Njonjo oo ahaa markaa xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Kenya inuu go’aansado ka qaybgalka gudbinta abaalmarinta. Mr.Charles Njonjo isagoo ka hadlayey arintan ayaa wuxuu yidhi sida uu xusay wargeyska “The standard” ee soo baxey bishii April 27, 1978kii : “There was no reason why African drivers could not win or complete the rally.All was required was practice, knowledge of the standing regulations and determination”. Wuxuu sugay in tartanka la badin karo hase yeeshee loo baaahan yahay laylis, aqoon u yeelasho xeerarka iyo dhabar adayg ay ku ladhan tahay goosasho. Waxaanu Mr.Charles Njonjo ugu deeqay ka qaybgalayaashii tartankaa lacag naqdi ah si loogu dhiirigaliyo guul ka soo hoynta tartanka dhacayey gu’gii 1979 ee ku sumadaysnaa 1979kii Safari Rally.

Safar Rally waxay dad badani u caleemo saareen inuu yahay tartanka ugu dhib iyo rafaad badan aduunka. Waxaa tartankan dhidibada loo taagey uguna horeysay in la qabto intii u dhaxeysay bishii May 27 ilaa bishii Juun 1 ee gu’gii 1953kii waxaana loogu magac darey tartankaa “East African Coronation Safari”. Tani waxaa lagu taageerayey caleemosaarkii iyo u dabaaldagii boqoradii Ingiriiska ee Queen Elizabeth II. Hase yeeshee gu’gii 1960kii ayaa loo digorogay inuu ku caanomaalo magaca East African Safari Rally..

Sawir dhinacani hoose ku xardhani wuxuu muujinayaa Mujaahid Blaki oo ku guuleystay tartankii orodka baabuurta ( Professional Motor Sports Rally - East Africa) ee Bariga Africa saddexdiisa waddan ee Kenya, Tanzania, iyo Uganda laysku soo mari jiray. Tartankaasi oo goyn jiray masaafad ay baaxadeedu dhan tahay 6,500 km, waxaa berigii hore la odhan jiray "East Africa Safari". Mujaahid Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” wuxuu tartankaasi nooca 1600 CC Class uu koobkeedii kaalinta koowaad ku galay 1978kii, 1979kii, iyo 1980kii. Mujaahidku wuxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee Afrikaan madow ah oo dhameeya 6,500 KM markii ugu horeeysay 1978kii , halkaasina wuxuu ka sameeyay taariikh lama ilaawaan ah oo ilaa iminka lagaga xasuusto waddankaasi Kenya. Blaki xilliyadaasi wuxuu aad uga soo bixi jiray jaraa'idka waddankaasi. Muj Blaki wuxuu kaloo ka mid ahaa 5tii nin ee ugu horeeyay ee Afrikan ah ee kaba qayb gala tartan baabuureed 1971kii . Ka dib markii uu tartano yar yar koobab badan ka qaatay wuxuu mujaahidku markii ugu danbeeysay wacdaro lama ilaawaana ka dhigay tartankii baabuurta ee saddexda waddan laysku soo marayey.

Haddaba waxay Mareegta Farshaxan arrinkaas ka waraysatay safiir Maxamed Nuur Indho-buur oo ah ninka u fadhiya Somaliland waddanka Kenya xilligaasina isagu joogay waddanka kenya, waxaanu yidhi Amb Indho-buur; " Waxaan xasuustaa anigoo yar in aanu waddada soo istaagi jirnay habeenkii oo dhan bal si aanu markhaati uga noqono Blaki oo baabuurkiisii wata, annagoo taageero ula diyaara, marka uu baabuurkiisu marana halkaasi farxad ayaanu la ooyi jirnay. Markaanu guryihii ku noqonana waxay islaamahu na weydiin jireen " Blaki ma maray waddada?", waxay ahayd xilli uu Blaki farxad gelin jiray Somali dhaafoo, nin madoow oo dhan".

Tartanka baabuurtu wuxuu ka mid ahaa shanta dunida ugu weyn oo ay weliba ka soo qayb geli jireen niman caana oo baabuurta ku tartami jirtay oo ka iman jiray Ameerika, Yurub, iyo Aasiya. Dadka wadda baabuurta 10ka ugu horeeya ku guuleysata waxaa maal gelin jiray shirkado waaweeyn oo caalami ah oo iyagu "factory sponsored cars" ayeey ahaayeen halka gaadhiga mujaahid Blaki uu isagu gurigiisa ku sameeysan jiray oo ay asxaabtiisu ka kalkaali jirtay xagga maaliyada.

Haddaba ka dib guulahaas laxaadka leh ee 1978 kii, 1979 kii, 1980 kii, iyo inuu noqdo ninkii ugu horeeyay ee madow ee dhameeya tartankaasi ayaanu mujaahid Blaki wax ka weydiinay siduu u arko guushaas, waxaana uu mujaahidku yidhi; " Waxay ahayd imtixaan qofka bini’aadamka ah samirkiisa iyo inta ay birtu adkaysanaysaba lagu eegayay, wax ciyaara may aheyn 6,500KM iyo saddex waddan oo laysaga gooshayo. Ilaahay baa mahad leh inaan ku guuleysto, waxayna sharaf u ahayd dadkii oo dhan".

Baadisooca Tilmaameed ee Mujaahidka:

Waxaa aad loogu tilmaamaa Mujaahid Blakie inuu yahay nin gacan furan aadna u deeqsi ah.Had iyo jeer waxaa lagu baadisoocaa inuu maal iyo muruqba u huro wuxuu aaminsan yahay una farobaxo.Waxaa maankiisa mari wayday sida xukkumadii Siyaad Bare ula dhaqmeysay goboladii woqooyi (iminkana ah wadanka Somaliland).Wuxuu markaa u hawlgalay siduu dhibta ula qaybsan lahaa qayb libaaxna ka qaadan lahaa halgankii xaq u dirirka ahaa ee SNM oo lagu dhawaaqey markii uu ka madax banaanaadey ka qayb qaadashadii tartanadii baabuurta .

Gu’gii 1985 ayaa koox ka tirsaneyd ururkii SNM socdaal shaqo u tageen wadanadaa Kenya iyo Tanzaniya. Markii ay marayeen wadanka Kenya ayaa waxaa ka war helay Maxamed Nuur Jaamac oo xilligaa Ilaahay gacanta u galiyey deeq lacageed iyo tiro ah hantida maguuraanka. Wuxuu markiiba u holadey qaabilida kooxdaa, isagoo ugu deeqay inay hawlahooda ku fushan karaan guri ka mid ah guryihiisii ka dib markuu furihii gurigaba gacanta ka saarey. Waxaa ka mid ahaa wafdigaa aqoonyahanka qalinka iyo qorigaba ku dirirayey mujaahid Maxamed Shiikh Ibraahim Xujaale. In ka badan dhawr jeer ayaa socdaal sidan oo kale ah ay xubno ka socdo ururkii SNM ku tageen dalkaa Kenya,waxaana ka mid ahaa ragga helay fursada ka mid noqoshada wafdiyadaa abwaan Maxamed IbraahinHadraawi, Xasan Guure, Abiib Timo Cadde, Korneyl Aadan Cadde, iyo rag kale oo badan.

Maxamed Shiikh Ibraahim Xujaale oo ka waramaya kulankaa 1985kii oo ahaa kii ugu horeeyey ee kula kumay mujaahid Maxamed Jaamac Nuur ayaa yidhi; “Waxaa la yaab laheyd isagoon aqoon hore noo laheyn laakiin u dhuundaloolay hawlahaan u socono inuu noola dhaqmay noona soo dhaweeyey sidii dad waligoodba is yaqaanay.Waxaana xusid mudan in aan xilligaa wadey qorista buuggii “All in the Family” oo aan fursad fiican u helay qorista buugga markii uu noogu deeqay guri ka mid ah guryihiisa”.

Maxamed Sh. Ibraahin Xujaale oo ka waramayaa siduu u tilmaami lahaana wuxuu yidhi: “Waa nin gacan furan oo deeqsi ah, oo dulqaad badan, Ilaahay ku manaystay karti iyo raganimo dheeraad ah, waxaanu ka mid yahay dadka dhibta badani ka soo gaadhi jirtay taakulaynta kooxaha SNM ee dalkaa Kenya imanaya .Waxaa ayaan daro weyn ah in dadkii waxtarkaa uu Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” u gaysanayey xubnaha SNM ay ka soo horjeedeen maamulkii Siyaad Barre .Waxaanay adeegsan jireen rag uu ka mid ahaa Xuseen Cali Ducaale “Cawil” oo geed dheer iyo geed gaabanba u koray siduu hagardaamo ula beegsan lahaa xubnaha SNM ee halkaa ku sugan iyo dadka reer Kenya ee taageerayey halgankaa umadeed ay kana mid ahaayeen Mujaahid Maxamed “Blaki” iyo Mujaahid Idiris Xaaji Cismaan.

Xuseen Cali Ducaale “Cawil” waa wasiirka maaliyada ee xukuumada Somaliland iminka. Taariikhdu ma duugawdo ,daryeelna looma waayo, Xuseen Cali Ducaale “Cawil” waxaa aad loogu baadisoocaa inuu yahay nin waligiiba mansab ku doona cay,hagardaamo, iyo aflagaado uu la doono dad kale, isagoo guuldaro badan kala kulmay inuu aqoon iyo karti uu ku helo mansab sharafeed.

Ibraahin Cabdi Suufi oo shaqaale sare ka ahaa safaaradii Soomaaliya ee Nayroobi ayaa tilmaamey in Maxamed Jaamac “Blacki” aad loola socday dhaqdhaqaaqiisa iyo taageerada hagar la’aaneed ee uu u fidinayey ururkii SNM. Waxaanu ka waramey in uu dhawr jeer la kulmay lana wadaagey warbixino lagu hadalhayey hawlgaladiisa oo keenay inuu u diyaargaroobo falcelinta uu Maxamed Jaamac “Blaki la iman lahaa. Waxaa kaluu Ibraahin ka waramey inuu Maxamed Jaamac “Blaki” ahaa nin dhiiran aan ka gabana falalka taageerada ee uu la dhinac taagnaa ururkii SNM.

Haddaba iyadoo safaaradii Soomaaliya xilligaa aad u awood badneyd waxaa la is waydiin karaa siduu had iyo jeer uga badbaadi jiray hagardaamadan loo soo qoofilay.Waxaa Ibraahin oo hadalkiisa sii wataa uu yidhi: “ Maxamed Jaamac wuxuu ku dhashay dalka Kenya, shaqaalaha sarsare ee xukuumadii kenyana waxay ahaayeen isku dugsi, ama waxay ahaayeen taageerayaashiisii mudnaa markii uu tartanada ku jiray , markaa sinaba way u suurtoobi wayday in la fulin karo qorshihii xukuumadii Siyaad Barre la doonaysay Maxamed Jaamac, waanay ku guuldareysteen ragga uu ka mid ahaa Xuseen Cali Ducaale “Cawil” hagardaameynta Maxamed Jaamac”.

Mujaahid Maxamed Jaamac “Blaki “ oo ka waramaya dhakhtarad Kiiniyaan oo uu gayn jiray dhaawac iyo siduu ay u qaabili jirtay wuxuu yidhi : “ Gabadhan Dhakhtarada ah ee Keeniyatiga ah waxaanu siinay titleka Mujaahid oo ay aad u jeclayd marka loogu yeedho, weyn na ogsooneeyd inaanu halgan ku jirno, waanay nagu taageeraysay si badheedh ah in ay dhaawaca noo daweeyso, ilaa maantana xidhiidh baanu leenahay”.

TAARIIKHDII MUJAAHIDKA EE HALGANKA

Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” halkaasuu ku noqday halyey degaal yahan ah oo aan ka qancin wuxuu u degaal galo taasoo runtii markii uu ka fadhiistay tartankii baabuurta 1981kii, uu degaalkiisii markan ku bilaabay sidii uu ula degaalami lahaa keligii teliyahii Siyaad Barre oo uu maqlay in dadkii uu asal ahaan ka soo jeeday uu ku dilayo dhalasho ahaan meesha ay ka soo jeedeen.

Haddaba waxaa isku beegmay sannadkii uu Mujaahid Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” ka fadhiistay tartankii baabuurta iyo sannadkii lagu dhawaaqay SNM oo ahaa 1981kii. Haddaba mar ay Mareegta Farshaxan weydiisay mujaahid Mujaahid Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” halka uu joogay maalintii lagu dhowaaqay SNM, wuxuu yidhi; " April 6deedii 1981kii oo ahayd maalintii lagu dhowaaqay SNM waxaan maalintaas laftigeeda joogay London iyo weliba goobtii lagaga dhowaaqay SNM". Wuxuu Mujaahid Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” hadalkiisa ku sii daray in isaga iyo Muj Idiris Xaaji Cismaan ay iyagoo London jooga ay London ka soo ka xeeyeen Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo berigaas uun dhameeyay buug yar oo la odhan jiray "Been Been Sii".

Waxaan marna maanku sii daynayn samafalkii hagar la’aaneed ee Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” la garab joogay xubnaha SNM. Waxaa tilmaan gaar ah mudnaa in dhaqaale ururinta ka sokow, dhaawaca xubnihii SNM daaweyn iyo buulaynba meelaha loo gayn jiray ay Kenya ka mid aheyd. Maxamed Sh. Ibraahin Xujaale oo arintaa tusaale ka soo qaadanayana wuxuu yidhi: “1987 anigoo Nairobi u soo anbabaxaya ayaa dhaawac ahaan loo keenay Xasan Ibraahin, dadka waxqabadka lahaa ee halkaa joogay waxaa ka mid ahaa Mujaahid Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” oo markiiba si raganimo leh noo qaabiley …wuxuu Xasan Ibraahin geeyey dhakhtarkii isagoo isticmaalayey hantidiisa gaarka ah ee uu xoogsadey iyo xidhiidhkii uu la lahaa shaqaalihii dhakhtarada,waxaanu u badheedhay dhibta kaga imanaysey safaaradii Soomaalidu ku laheyd Nairobi ”.

Haddaba Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” isaga iyo Idiris Xaaji Cismaan waxay ka mid ahaayeen udub dhexaadka SNM una fuliyey hawlo aad u faro badan sida;

1. In ay dhaqaalaha ay mar walba door weyn ka ciyaari jireen. Waxaynu ognahay laf dhabarta dhaqaalaha ee SNM waxaa ugu weynaa qurbaha gaar ahaan waddamada Carabta oo Sucuudigu hogaaminayo iyo waddamada bariga Afrika oo ay Kenya hogaaminayso, taasoo ay labadan mujaahid ee Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” iyo Idiris Xaaji Cismaan ahaayeen laf dhabartii Bariga Afrika lacagta ka soo ururinaysay bixinayayna dhaqaalaha ugu badan.

2. Abaabulkii shirarkii SNM.

3. Aabaabulkii, taakuleyntii dhaawicii SNM oo bishiiba ilaa 5 qof oo dhaawaca ayaa loo diri jiray. Waxaa kaloo sheegid mudan in weliba dadka kale ee waddanka ka soo baxsan jiray ay u sii talaabin jireen Itoobiya. Dadkii la joogi jiray qaarkood waxaa ka mid ahaa Abwaanka weyn Ibraahim Maxamed Warsame “Hadraawi” oo isagu buugiisa Halkaraan uu Blaki ka mid yahay dadka uu ugu mahadnaqayo. Waxaa kale oo ka mid ahaa Qoraaga Maxamed Xujaale oo isaga ay ka gacan qabteen buuggiisii ugu horeeyay. Abiib Tima-Cadde ayaa ka mid ahaa dadkii soo maray ee mudada la joogay Kenya.

4. Wafdiyada SNM oo iyaga qudhooda ay taakuleyn oo qaban qaabo siin jireen. Iyagoo albaab walba u garaaci jiray oo xagga diblomaasiyada gacan weyn ka geysan jiray.

5. Waxay ka qayb geli jireen shirarkii SNM ee Itoobiya lagu qaban jiray.

6. Dawldii Siyaad Barre oo safaaradeedii haysata ayey iyagu haddana mar walba ka taageerayaal badnaayeen marka ay noqoto dawlada Kenya iyagoo adeegsanaya saaxiibadooda ku jiray dawladii Kenya ee ay iskuulada wadda dhigan jireen ama aqoonta gaar ahaaneed isku lahaayeen.

Dhibaatooyinkii La soo dersi Jiray :

Mar walba Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” iyo mujaahidka kale ee caanka ah ee Idiris Xaaji Cismaan waxaa la soo dersi jiray dhibaato ay ku haysay safaaradii Siyaad Barre oo adeegsanaysa lacag aad u tiro badan. Xilliyo badan baa laysku dayey in la dilo. Xilliyo kale waxaa carqalad laga geliyey baayac mushterigii ay lahaayeen gaar ahaan Mujaahid Idiris oo isagu dhoofin jiray Lo'da. Mujaahid Idiris oo isagu ahaa nin yaraantiisii yimid Kenya dedaal badan ka dibna noqday maal qabeen Lo'da dhoofiyo, ayaa xataa mar laysku deyay in laga mastaafuriyo waddanka Kenya. Mujaahidiintaasi Blaki iyo Idiris waxay ku muteysteen dhibkaasi waa iyagoo aad iyo aad u taageeray SNM halgankeedii bartankana kaga jiray halganka.

Halyeyadaa kala ah Mujaahid Maxamed Jaamac Nuur Blaki iyo Idiris Xaaji Cismaan waxay baal dahab ah kaga jiraan oo ku suntan yihiin halgankii ay SNM dib ugu xoreysay dadka reer Somaliland.

Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo ka shaqeeynayay waddankaasi Kenya muddo 3 sanadood ah ayna Maxamed Nuur Jaamac “Blaki” saaxiib noqdeen iyagoo arrimaha Somaliland ka sii wadda shaqeeyey weliba ayaa yidhi; "Waxaan xasuustaa in maallin sheeda layga tusay guri ku yaallay magaalada Nairobi oo lay sheegay in mujaahid Maxamed Nuur Jaamac “Blaki” uu u iibiyey gurigaasi halgankii SNM.Nimanka waddan aanay ku korin ugu degaalamay dhalasho ahaan oo wax walba ku seegay waxay inaga mudan yihiin sharaf iyo garasho. Maanta waa inay ka mudnaadaan cid walba in iyaga loogu horeeysiiyo in lagu sunto baal dahab ah oo taariikhda SNM gala. Mujaahid Blaki iyo Mujaahid Idiris waxay dhif iyo naadir ku yihiin ummadeena, jiilka danbe ee dibadaha ku koray inay wax ka bartaan ayeey u baahan yihiin taariikhdooda. Ilaahay ha guuleeyo way guuleeyeen Somalilandee. Nimanka kale ee Somaliland aad ugu dagaalamay waxaa ka mid ah Ambassador Maxamed Cabdi Cali oo dawlada Kenya u fadhiyi jiray waddamada Saudi Areebiya iyo Egypt oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland iyo shakhsiyaad aad u tiro badan oo ah dadkeenii ardul Sawaahil ku noolaa".

Mujaahi. Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” wuxuu markii ugu horeeysay tegay Somaliland bilawgii 2006-dii halkaasoo si laxaad leh loogu soo dhaweeyay. Markuu aad uga yaabay soo dhoweeyntii xad-dhaafka, iyo sida wadankii dib loogu dhisay, waxaanu yidhi; “ Ilaahay baa mahad leh kol haddii wadankii oo nabad aan dib ugu soo noqday, wixii aan u soo degaalamayna si fiican baan uga seexday. Farxadii iigu badneyd noloshaydana way ahayd markaa aan cagaha saarey wadankii aan guusha la doonayey , naf iyo maalbana aan u huray liibaantiisa. “

Mujaahid Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” wuxuu degan yahay magaaladiisii Nayroobi ee dalka Kenya.Waxaan hawada u marinaynaa in Ilaahay ugu deeqo nolol wanaagsan, caafimaad qab, bashbash iyo barwaaqo.Waana u guul inuu Ilaahay ku simay aragtida midhihii halgankii uu si hagar la’aaneed uga qayb qaatey.

Dhamaad

Mahadnaq:

Qoraalkan waxaa qayb weyn ka qaatey Mujaahid Maxamed Jaamac Nuur oo si qalbi furan ah u soo dhaweeyey waydiimahayagii.Waxaa kaloo mudan in la sheego Jamaal Cali Xuseen oo qayb libaax ka qaatey soo bixitaanka qoraalka.Waxaan marna lama ilaawaan aheyd sidii wanaagsaneyd ee uu Cabdirashiid oo ah mujaahidka walaalkii noogala qayb qaatey soo bixitaanka qoraalkan.Waxaa kaloo mahadnaq mudan dhamaan dadkii waxtar ka gaystay qoraalkan.

Qalinkii :

Fu,aad Sh. Abuubaker

Bahda Mareegta Farshaxan

http://www.farshaxan.com

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this