Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga UCID- Oo U Digay Maxkamada Sare Iyo Komishanka Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xisbiga UCID oo u digay Maxkamada Sare iyo Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa(Qaran)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa afar qoddob ka soo saaray tallaabadii ay Komishanka doorashooyinku ay toddobaadkan ugu gudbiyeen maxkamadda sare inay soo kala caddayso doorashada soo horaynaysa ee Madaxtooyada iyo ta Ururrada.

Shir Guddida fulinta ee xisbiga UCID iskugu yimid oo uu guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Wakiillada Md. Cali Xaamud Jibriil ayaa lagaga dhawaaqay afar qoddob oo kala ah.

1). Xisbiga UCID wuxuu u arkaa in markii horeba khilaafkii dalka ka taagnaa uu ay abuurtay maxkamadda sare.
2)- Komishanka Doorashooyinku waxay sheegeen inay sagaal bilood ku qabanayaan doorashada madaxtooyada, haseyeeshee isla Komishankii waxay waajibkoodii ku wareejiyeen Hay’ad kale. Waxaan ku boorinaynaa Komishanka Doorashooyinka inay ku soo noqdaan xayndaabkii sharciga ah.
3)-Waxaan uga digaynaa maxkamadda sare inay mar kale faraha la gasho shaqo hay’ad kale leedahay, abuurtana khilaaf hor leh halis gelinaya nabada iyo xasiloonida JSL.
4)- Xisbiga UCID Waxaanu u aragnaa in doorashada kaliya ee Komishanku sharci u hayaan ay tahay doorashada madaxtooyada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this