Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Komishanku Durba dhinac buu Noqday Xildhibaan Siciid Cudhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Siciid Cudhey “Guddoomiyihii Komishanku Durba dhinac buu Noqday”

Hargeysa(Qaran)-Xildhibaan Siciid Cabdisamad (Siciid Cudhey) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa sheegay inuu maanta xisbigiisa u soo jeediyay in kalsoonida lagala noqdo Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu ku eedeeyay inay masuuliyadoodii ku wareejiyeen hay’ad kale.

Xildhibaan Cudhey wuxuu sidaas ka sheegay in shir maanta ay iskugu yimaadeen guddida fulinta ee xisbiga UCID. “Shir maanta Guddida fulinta xisbiga UCID iskugu yimaadeen waxaan ka soo jeediyay in kalsoonida lagala noqdo komishanka Doorashooyinka ee maanta shaqadiisii loo igmaday qaban kari waayay ee ku wareejiyay Haay’ad kale,”ayuu yidhi Siciid Cudhey.

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray “Anigu walina waan u soo jeedinayaa xisbigayga in guddida doorashooyinka aan lagu kalsoonaan Karin maadaama oo shaqadoodii mucayinka ahayd ay meel kale geeyeen. Waxa Ayaan darro ah in Guddoomiyaha Komishanka ee aan maanta ka maqlayay idaacadda Wuxuu durba noqday mid dhinac ah oo aan laguba kalsoonaan Karin.”

Waxa kaloo uu Ayaan darro ku tilmaamay inay maxkamadda sare gacanta la gasho wax aanay awoodba u lahayn.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this