Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI “Haddii Xukuumaddu waxay wado lala qaadan lahaa dalku halkaas muu soo gaadheen”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI “Haddii Xukuumaddu waxay wado lala qaadan lahaa dalku halkaas muu soo gaadheen”

Hargeysa(Qaran news)-Xoghaye ku xigeenka Ganacsiga ee Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Saleebaan Maxamed ayaa sheegay in maxkamadda sare aanay meelna ka soo gelin cayimada doorashooyinka, waxaanu ku eedeeyay inay la safan tahay Xukuumadda.
“Maanta halka aynu marayno haddii aynaan dib uga noqonin dalkeenu inuu innaga burburiyo ayaynu ku siganaynaa. Maxkamadda sare sharci uma laha ay ku sheegto doorashada dhacaysa,”ayuu yidhi Cabdirashiid Saleebaan. Waxaanu tilmaamay in dalku soo maray shan sannadood oo buuq iyo khilaaf siyaasadeed ah.
Xoghaye ku xigeenka Ganacsigu wuxuu ku sifeeyay Xukuumadda iyo Maxkamadda sare mid wax iskugu xidhan yihiin.

“Inan yar oo xabad madaxa lagaga dhufanayaana jiri maayo dadku Caddaaladda ayay u soo baxayaan, go’aan kasta oo qadhaadh oo uu qaato Murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi dadku waxay odhanayaan gar baad u leedahay,”ayuu yidhi Cabdirashiid Saleebaan.
Waxa kaloo uu ku dooday in xisbiyada mucaaridku danta dalka hore ugu tanaasuleen isla markaana ay sugayeen in la qabto doorashadii madaxtooyada.
“Haddii xukuumaddu waxay wado lala qaadan lahaa dalku halkaas muu soo gaadheen. Arrintan imika taagani waa doorasho arrimaha doorashooyinkana Komishanka ayaa qaranka u qaabilsan,”ayuu yidhi Xoghaye ku-xigeenka Ganacsiga WADDANI.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this