Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aano kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
358479543_628715966024220_42199625795937

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Inta badan waxaa shirka goobjoog ahaa xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo shirkooda ku ansixiyay xeer cusub, sidoo kale ku dhageystay warbixino xasaasi ah.

Ugu horreyn kulanka golaha wasiirada ayaa lagu meel-mariyay Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda.

Sidoo kale golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo la xiriirta diyaar-garowga gulufka cusub ee ay haatan waddo dowladda federaalka ah.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa warbixinteeda ku sheegtay in uu dhawaan bilaaban doono howlgalka wajigiisa labaad oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in xukuumaddu ay ka go’an tahay dabargoynta kooxda Al-Shabaab, si looga saaro dalka oo dhan.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna  goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda.

358065225_628716906024126_30184282924823 358379360_628716032690880_53015259604392 358450052_628716752690808_21355035058167 358479543_628715966024220_42199625795937 358480133_628716856024131_40143707759660 358525408_628716862690797_51408109704105 358578914_628716892690794_69579391524250 358666550_628716602690823_54841301474309 maaliyadd.jpg?resize=696%2C482&ssl=1

The post Go’aano kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this