Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Xeer ilaalinta oo shaacisay 18 mas’uul oo baxsad ah, loona haysto Musuq

Recommended Posts

Deeq A.   
Xeer-ilaaliyaha-qaranka-saleebaan-suleyb

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa, kaas oo ay haatan waddo dowladda Soomaaliya.

Suleymaan Maxamed ayaa shaaciyay liiska 18 mas’uul oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo uu tilmaamay inay baxsad ka yihiin cadaaladda.

Xeer ilaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dabagal ku heyso shaqsiyaadkaasi, isla-markaana ay ku rajo weyn yihiin in cadaaladda la horkeeno mas’uuliyiintaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay wada shaqeyn la leedahay Booliska Caalmiga ah ee Interpl, isla-markaana ay la kaashan doonto kiiskan, si gacanta loogu soo dhigo eedeysayaasha baxsadka ah oo haatan ku sugan dalka dibaddiisa.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo horay dowladdu u xirtay mas’uuliyiin dhowr ah oo loo haysto musuq, kuwaas oo lqaarkood a horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Faahfaahinta kala soco: Caasimada.net.

The post DEG DEG: Xeer ilaalinta oo shaacisay 18 mas’uul oo baxsad ah, loona haysto Musuq appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this