Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo dad rayid ah ku dilay Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
202376638242072628855203.jpg?resize=660%

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa sida lagu soo warramayo xalay ilaa saaka duqaymo aan loo meel dayin ku garaacay degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqaymo culus ku garaacay Ceel-cadde ay khasaare naf iyo maalba leh gaarsiiyeen dadka rayidka ah ee ku nool degankaas.

Diyaaradaha millatariga Kenya ayaa si toos ah u duqeeyay guryaha ay ku sugan yihiin rayidka ee degaanka taas oo keentay waxyeellada shacabka gaartay ee dhimashada iyo dhaawaca leh.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Gobolka Gedo oo ku aadan duqeynta diyaaradaha dowladda Kenya ay ku dileen dadka Shacabka ah.

Ma ahan sidoo kale markii ugu horeysay oo diyaaradaha Kenya ay duqeymo noocaan oo kale ah ay ka geystaan degaano ka tirsan Gobolka Gedo kuwaas oo waxyeello ka soo gaarto dadka rayidka ah.

PUNTLAND POST

The post Diyaaradaha dagaalka Kenya oo dad rayid ah ku dilay Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this