Sign in to follow this  
Deeq A.

Burbur Xooggan oo Ka Dhashay Duqeymo Ka Dhacay Gobolka Gedo+Sawirro Laga Helay Goobta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kuwaan waa sawirrada goobtii ay diyaaradaha dowladda Kenya ay duqeeyeen ee deegaanka Ceelcadde ee Gedo, waxaana arkeysaa burburka ka muuqda goobta, waxaana uu dhismaha uu deganaa Allah unaxariistee Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi oo deegaanka laga yaqaanay.

Shiikha ayaa waxaa sidoo kale la geeriyooday nin lagu koobay magaciisa Miskiinow oo ku sugnaa guriga la duqeeyay, ilaa iyo hadda ma cadda sababta dowladda Kenya ay u beegsatay guriga Shiikha,ma jiro war kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo Jubbaland oo ku aadan duqeymahaan.

Dowladda Kenya ayaa marar badan waxaa ay duqeymo diyaadaheeda ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Gedo, waxaana inta badan wax ku noqda dad shacab ah, kuwaas oo guryahooda la duqeeyo iyo xarumaha shirkadaha oo ay beegsadaan oo burbur xoogga uu kasoo gaaray.

355825499_209149485431852_40333087535569 355957148_840227080996118_86077483680732 356943280_211570511848098_89981196948331 356186198_1445406972929132_3530955240790 355957148_840227080996118_86077483680732 356943280_211570511848098_89981196948331 356186198_1445406972929132_3530955240790 355825499_209149485431852_40333087535569 356186198_1445406972929132_3530955240790

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this