Sign in to follow this  
Deeq A.

Xabsiga Garoowe oo Korontadii laga jartay biyihiina gabaabsi yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1688623025468.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha Puntland iyo Hawl-wadeenno ka socda xafiiska oo kormeer ku tegey Taliska Dhexe ee Ciidanka Asluubta iyo Xabsiga dhexe ee Garoowe.

Difaacaha iyo Hawl-wadeennada Xafiiska waxay kulan la yeesheen Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland, Xubno ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Asluubta iyo Sariikiisha xabsiga dhexe ee Garoowe. Waxayna ka warbixiyeen xaaladda maxaabiista iyo maamulka xabsiyada.

Maamulka xabsiga Garoowe ayaa ka warbixiyey xaaladda xabsiga iyo maxaabiista ku xiran,  waxayna sheegeen in aanay helin bilooyinki u damabeeyay miisaaniyadda quudinta Maxaabista iyo Xuquuqda kale ee Ciidanka Asluubta. Waxaana go’an Korantada iyo biyaha xabsiga oo gabaabsi ah.

Kooxda Kormeerka ee XDXAP waxay sidoo kale waraysiyo la yeesheen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Garoowe, oo ka warbixiyey duruufaha adag ee ay ku sugan yihiin sida;- Caafimaad darro, Nafaqa darro, Koronto la’aan iyo Adeegyada kale ee aasaasiga ah.

PUNTLAND POST

The post Xabsiga Garoowe oo Korontadii laga jartay biyihiina gabaabsi yihiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this