Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sare Haddii ay Shaadh u Tolayso Muuse Waa la Kala Tashan” Faysal C. Waraabe

Recommended Posts

Deeq A.   

“Maxkamadda Sare Haddii ay Shaadh u Tolayso Muuse Waa la Kala Tashan” Faysal C. Waraabe

Hargeysa(Qaran)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Maxkamadda sare inaanu go’aan ka soo saarin oo aanu dhex gelin wax aan shaqadiisa ahayn.

Guddoomiye Faysal wuxuu tallaabadii Komishanku ugu gudbiyeen maxkamadda sare inay go’aamiso doorashada soo horeynaysa, wuxuuna ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Faysal wuxuu sidaas ku sheegay mar uu maanta u warramayey BBC-da, waxaanu sheegay in Komishanku ay xaq u leeyihiin muddaynta doorashooyinka.
“Go’aanka Komishanku waa sharci darro iyaga ayaa leh cayimaada doorashooyinka. Waxana laga sugayaa qorshihii doorashada madaxtooyada, maadaama oo ay dib uga dhacday sagaalkii bilood ee ay hore u sheegeen oo June ku ekaa” ayuu yidhi Guddoomiye Fsysal.

Waxa kaloo uu intaas ku daray “Maxkamadda sare meel ay ka soo gashaa ma jiro cayimaada doorashooyinka. Mar horena iyadaa fowdo dalka gelisay. Waxaan ugu baaqayaa in aanu iska soo celiyo arrintaas.”

Faysal wuxuu intaas ku daray haddii maxkamaddu soo saarto go’aan ay shaadh ugu tolayso Muuse la kala tashan doono. Waxaanu ugu baaqay inay sharciga ilaaliso.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this