Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Ku Taalla Hindiya oo Xukun Ku Riday Rag Garaacis Ku Dilay Nin Muslim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad ku taalla Hindiya ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay 10 nin oo loo heynsto inay afar snao kahor garaacis nafta kaga qaadeen nin Muslim ah, dhacdadaan ayaa muddo waxaa ku socotay baaris ay wadeen ciidanka Booliiska.

Tabrez Ansari, oo 24 jir ahaa, ayaa dhintay maalmo kaddib markii ay weerar ku qaadeen dad ku eedeynaya inuu mooto ka soo xaday gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Jharkhand, taasna ay tahay sababta loo garaacay ninkaan.

Muuqaal muujinaya Ansari oo lagu qasbayo inuu ammaano sanamyada Hinduuda, isaga oo  xilligaas ku  ku baryootamayo in la badbaadiyo ayaa lagu soo wadaagay baraha bulshada, taas oo keentay in siweyn bulshadu ay kaga falceliyaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this