Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Carabta oo war kasoo saaray masaajidkii ay gubeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
356983589_722867549879854_65162718313118

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Carabta oo ka hadlay weerarkii ay maalmo kahor Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa cambaareeyay falkii ay kooxda ku gubtay masaajiidkii deegaankaasi.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka ayaa waxaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay dambi fool xun, isla-markaana kasoo horjeedo shareecada Islaamka iyo qawaaniinta caalamka ah.

Baarlamaanka  Carabta ayaa sidoo kale xusay in falkan uu caddeynayo in argagixisadu aysan diin laheyn, sidoo kalena ay dhibaato ku tahay dadka iyo dalka.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo dedaallada ay dunida Carabta kula dagaallamayso khawaarijta heer gobol iyo mid caalami

Waxaa sidoo kale Baarlamaanka Carabta uu mar kale ku celiyay in si buuxdo ay u  garab siinayaan dagaalka dowladda ugu jirto ciribtirka kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Falkii lagu gubay masaajidka Daaru-Nimca ayaa dhaliyay falcelin xoogan, waxaana horay uga hadlay madaxweynaha Soomaaliya oo arxan laawayaal ku tilmaamay Al-Shabaab.

Dhanka kale looxda Al-Shabaab ayaa ayadana markii u horreysay ka hadashay masaajid ay ku burburisay weerarkii dhawaan ay ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma ee degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade oo ah guddoomiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu sababta loo burburiyay masaajidkaas ku sheegay in ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa dowladda ay ka dhigteen saldhig ciidan.

“Masaajidka waxaa saldhig ka dhigtay ciidanka dowladda oo waxay noqotay goob lagu qayilo oo lagala diriro (kooxda) oo dadka masaakiinta ah lagu xabiso,” ayuu yiri Kaba-Kutukade oo la hadlay warbaahinta kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, weerarka kadib ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirro laga soo qaaday masjidka deegaanka Daaru-nimca oo Al-Shabaab ay qaraxa ku burburiyeen.

The post Baarlamaanka Carabta oo war kasoo saaray masaajidkii ay gubeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this