Deeq A. Posted July 5, 2023 WAAR HOOY WAA IGA TALO: QARANKA YAAN QOF DANTII LOO DUMININ Komishanka Doorashadu way garanayaan sida ay u kala horeeyaan doorasho ay sharcigeeda hayaan hawsheeda oo komishankii hore ay gacanta ku hayeena ay kala wareegeen iyo doorasho aanay haynin sharcigii ay ku qaban lahaayeen oo ka maqan Xeer Lam 92 oo ku waajibinaya qabashada sadexda doorasho ee Golayaasha Degaanka, Wakiilada iyo madaxtooyada oo keliya. Sabab kasta ha ku kelifto eh way kari waayeen in ay kala cadeeyaan sida labada doorasho ay u kala horqabanayaan. Taasi waxay nuqsaan ku tahay komishanka oo awoodahoodii sharci iyagu duuduub u wareejiyay. Taasi waxay gebi ahaanba waxay sua’aal saaraysaa in komishankani doorasho qaban karo iyo in kale Dhismaha Qaranku, sida ku cad Dastuurka wuxu um ka kooban yahay sadex haya’dood oo kala madaxbanaan. Maxkamadda Sare waa haya’d garsoor ma moqon karto Xeerdejin. Doorashooyinkana waxa lagu qabtaa Xeerar Baarlaman ee laguma qabto amar maxkamadeed Hadaba isaga waramimayno marxaladda xasaasiga ah ee dalku marayo. Sidaa daraadeed dhawaaqa laga filayo maalmaha soo socda Maxkamadda Sare ayaa noqonaya muhiim waayo xal wuu noqon karaa lagu soo afjaro khilaafkii dooraahooyinka hadii uu cadaalad noqdo. Waana hubaal in doorasho ay suurogali karto. Hadii kale wuxu horseedi karaa xal la’aan oo ah in aan labadan doorasho iyo tu ka dambaysa oo la isla ogol yahay aanay Somalland dib uga qabsoomin. Tu aan la isla ogolaynna hadalkeedba daa. Taasoo noqon karta bilawgii dhamaadka iyo burburkii Somaliland, Allah kama dhigo eh Cali Gurey Qaran News Share this post Link to post Share on other sites