Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishanka oo Xiisad hor leh ka Abuuray Somaliland iyo dhaqdhaqaaqyo socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Komishanka oo Xiisad hor leh ka Abuuray Somaliland iyo dhaqdhaqaaqyo socda

Hargeysa(Qaran)- Warqada Komishanka Doorashooyinku ay ku kala qaybsameen ee ay u gudbiyeen Maxkamadda sare si ay ugu soo kala caddayso doorashada soo horaýnaysa labada doorasho ee madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda, ayaa xiisad iyo khilaaf kale oo siyaasiya ka abuuraysa dalka. Arrintaasi oo xilligan halis ku ah Somaliland oo uu gobolka Sool ka socdo dagaal lix bilood jirsaday.

Xubnaha komishanka ayaa la sheegay inay ku kala qaybsameen warqada Maxkamada oo qaarkood ay soo jeediyeen in Guddida doorashooyinku awood u leeyihiin inay cayimaan doorashooyinka oo aanay habboonayn inay awoodoodii sharci ay ku wareejiyaan Maxkamadda, balse ay 4 ka mid ah soo jeediyeen in maxkamadda loo gudbiyo. Halka 3 kalene ay ka biyo diideen arrintaas.

Tallaabadaasi Komishanku qaadeen waxay markiiba dib u istaadhay muranka dhinaca doorashooyinka ee muddooyinkii u dambeeyay huursanaa, waxana xalayba laga dareemay magaalada Hargeysa dhaqdhaqaaqyo lagaga tashanayo arrintan.

Sida ilo looga qaateen ahi u xaqiijiyeen Qarannews, guddida beelaha West Burco Clan ayaa wax iska weydiiyay warqada Komishanku ay u gudbiyeen maxkamadda sare oo ay u arkaan inay maxkamadu ku milantay Xukuumadda oo Madaxweyne Biixi oo aad isugu dhawyihiin Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo qalinka uu ugu dhufan doona sida Xukuumaddu jeceshahay in loo kala horaysiiyo doorashooyinka.

Inkasta oo aanay weli wax jawaab ahi ka soo bixin labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID oo aaminsan in la soo horreysiiyo doorashada madaxtooyada oo ah ta soo horeysa, lana hayo xeerkeedii. Iyadoo doorashada ururrada siyaasadda aanu diyaar ahayn wax xeer ah oo lagu qaban karaa xilligan.
Waxa se la filayaa inay warbaahinta la hadli doonaan.

Guddida Beelaha West Burco Clan ayaa hore u sheegay in aanay deegaannadooda ka qabsoomi karin doorashada Ururrada siyaasadda haddii an laga heshiinin, taasina iftiiminaysaa in aanay ka dhacaynin 5 gobol oo belaha West Burco Clan degan yihiin gaar ahaan goobaha ay ka degan yihiin

Xasarad iyo xiisad kasta oo Somaliland xilligan ka aloosantaa waxay halis ku tahay midnimada iyo wadajirka Somaliland wakhti uu gobolka Sool ka socdo dagaal dhibkiisa wata

Waxana iyana huursan oo murankeedu uu hawada ku soo jiraa cidii bedeli lahayd gudoomiyahii is casilay ee golaha wakiilada oo wali uu buuqeedu uu taaganyahay taasi oo iyana wadata hawsheeda.

Marka aad xaaladahaasi oo dhan eegto may haboonayn in maanta la abuuro buuqa hada taagan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this