Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Now Nuur Cadde Wants Ethiopians to Stay

Recommended Posts

Thierry.   

The difference between Yey supporters and supporters of ARS is that we re confident in ourselves to disagree with the party line. I disagree with Nuur Adde based on principle although I know where he is coming from (power vacuum = Anarchy) but lets not forget Nuur Adde is still part of the current administration that Yey formed its not his fault that the masters prefer him over is President.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Garoowe/Baydhabo, December 4, 2008 (Haatuf/W. Wararka) – Hoggaamiyaha Mbagathi Cabdillaahi Yuusuf oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland, ayaa la sheegay inuu dhambaal qoraal ah ka helay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaas oo uu gaadhsiiyay safiirka dawladda Mbagathi u fadhiya Addis Ababa Siciid Gees oo dorraad ka degay Boosaaso si fariinta u gaadhsiiyo Mr. Yuusuf.

Safiirka Mbagathi u fadhiya Addis Ababa oo hore u ahaan jiray madaxa ilaaladda Cabdillaahi Yuusuf oo uu weheliyay xubin magaciisa lagu sheegay Khaliif Ciise Mudan ayaa doraad ka degay Madaarka Boosaaso waxayna isla markiiba u gudbeen Garoowe, iyagoo dhambaalka ay sideen kadibna la qaatay Cabdillaahi Yuusuf shir ilaa saqdii dhexe ee habeen hore socday.

Si rasmiya looma shaacin waxay kulankooda albaabada u xidhan yihiin kaga wada hadleen hase yeeshee wararka laga helayo Garoowe waxay sheegayaan in Cabdillaahi Yuusuf Axmed safar ugu baxayo Djibouti si uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u weydiisto inuu dhexdhexaadiyo isaga iyo Meles Zenawi.

Sidoo kale dhambaalka Meles Zenawi ayaa la sheegay inuu nuxurkiisu ahaa talooyin uu ku qanciyo Cabdilaahi Yuusuf inuu iska casilo xilka Madaxweynenimada Somalia.

Cabdillaahi Yuusuf oo hore u ahaa gacanta midig ee ay Itoobiya ku leedahay Somalia, ayaa beryahan dambe waxaa aad xumaaday xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo masuuliyiinta Itoobiya, waxaanay dhawr jeer masuuliyiinta sare ee Itoobiya ka dhawaajiyeen in Cabdillaahi Yuusuf yahay caqabada ay ka dhismi lahayd dawlad ay Somalia yeelato oo dhalin karta nabad iyo dib-u-heshiisiin, taas oo hadda u muuqata in Itoobiya ay cagta saartay waddadii ay kaga takhalusi lahayd Cabdillaahi Yuusuf si ay cid kale ugu dhiibto talada Somalia.

Dhinaca kale, Ra’iisal-wasaaraha Mbagathi Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) ayaa shalay ka degay madaarka Muqdisho, halkaas oo la sheegay inaanu dhaafin madaarka Muqdisho, balse waxyar kadib ay diyaaradii sidday isaga iyo koox ka tirsan Baarlamaanka Mbagathi oo ku sugnaa Muqdisho ula duushay dhinaca magaalada Baydhabo oo xarun u ah Baarlamaanka Mbagathi, halkaas oo ay ku sugan yihiin inta badan Xildhibaanada Mbagathi.

Inkasta oo aan weli shaaca laga qaadin ujeedada socdaalka Nuur-cadde iyo xildhibaanada ka raacay Muqdisho, haddana waxaa jiray mooshin beryahan dambe laga waday xarunta Baarlamaanka ee Baydhabo, kaas oo la xidhiidha sidii xilka looga tuuri lahaa Cabdillaahi Yuusuf, kadib markii uu ka soo horjeestay heshiiskii dhawaan ay Djibouti ku kala saxeexdeen xukuumaddiisa iyo kooxaha mucaaridka, gaar ahaan garabka Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Masuuliyiinta dawladda Mbagathi oo khilaafka iyaga u dhexeeyaa uu ragaadiyay hawshii ay qaban lahaayeen, ayaa hadda waxa muuqda in Ra’iisal-wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku ay taageerayaan heshiiska lala galay mucaaridka, halka Cabdillaahi Yuusuf aanu ogolayn wixii heshiiska lagu wada-gaadhay, sidaas darteed iyadoo inta badan Mudanayaasha Baarlamaanka Mbagathi ay taageersan yihiin dib-u-heshiisiinta, ayaa waxay u dhowdahay inuu mooshin kasta oo xilka lagaga qaadayo Cabdillaahi Yuusuf uu wakhtigan uu si dhib yar u mari karo Baarlamaanka Mbagathi, iyadoo ay dawladaha taageera dawladda Mbagathina ay dabada ka riixayaan hirgelinta heshiiska Djibouti ka dhacay, isla markaana ku baaqay in cidii ka soo horjeesata dib-u-heshiisiintana dhinac looga soo wada jeesto.

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this