Deeq A. Posted July 4, 2023 Suudaan(Qaran)-Dagaalo culus ayaa dib uga bilaabmay caasimadda dalka Suudaan ee Khartum ka dib markii labada dhinac ee xiisadu ka dhaxaysaa mid walba dhiniciisu u qaaday weerar hubaysan. Sida labada dhinac ku doodayaan mid walba waxa uu gaarkiisa u fuliyay hawl gal lagu sheegay in ammaanka lagu sugayo dhaq dhaqaaqa dhinaca kalana lagaga hor tagayo. Xoogaga gurmadka degdeg ah ee dagaalka kula jira ciidamada dalka Suudaan ayaa soo bandhigay, diyaarad ciidamadu leeyihiin oo ay sheegteen inay soo rideen iyo mid ka mid ah duuliyayaasheedi oo ay gacanta ku dhigeen. Sida dad goob joog ahi ay u sheegeen telefishanka afka carabiga ku hadla ee Aljazeera diyaaradan, oo duqayn ku haysay ciidamo gurmad ah oo xoogaga ka soo hor jeeda milatariga u socday ayaa mar qudha olashay ka dibna labadii duuliye ayaa baarashuutka goosta ka dibna diyaaradii ayaa burburtay. Mid ka mid ah duuliyayaasha ayay ciidamada gurmadka degdegu gacanta ku dhigeen, waxaanay sheegeen in maxkamad loo soo taagi doono, sidoo kale sarkaal u hadlay xooggaga ka soo horjeeda milatariga dalka Suudaan, ayaa sheegay in Janaraal Cabdi Fataax Burhaan iyo maamulkiisu ay gaysteen gabood fal aadami-nimo. Dagaalka ayaa xoogiisu ka qarxay degaanka Umu Durmaan iyo qaybo ka mid ah galbeedka caasimadda Khartuum, waxaana sida wakaaladaha wararku sheegeen hadhbeelay madaafiicda iyo hubka noocyadiisa kala duwan. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites