Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalooyinka Galdogob iyo Columbia Heights oo la mataaneeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1688513019368.jpg?resize=720%2C48

Magaalada Columbia Heights oo ka tirsan Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug Puntland ayaa si rasmi ah loo mataaneeyay kadib heshiis ay kala saxiixdeen duqa Goldogob Cabdifataax Shiikh Ibraahim iyo Duqa Columbia Heights Amada Márquez Simula.

Heshiiska lagu mataaneeyay degmada Galdogob iyo magaalada Colombia Hights  ee Dalka Marekanka ayaa Galdogob ka gacan siinaya horumarinta waxbarashada, caafimaadka , khibrad wadaaga iyo xirfadaha horumarinaya adeegyada dowladda hoose.

Magaallooyinka la mataaneeyo waa nooc heshiis ah oo u dhaxeeya bulsho labo deegaan oo kala duwan dagan,kuwaas oo kala fog juqraafi ahaan iyo siyaasad ahaanba ujeedaduna tahay horumarinta iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada kala duwan oo ay ku jiraan Arrimaha bulshada.

Minnesota horay waxaa magaalooyinkeeda loola Mataaneeyey labo magaalo oo Soomaaliya ku taal waa kuwa ganacsiga Minneapolis iyo Boosaaso iyo caasimadaha St Paul MN iyo Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Magaalooyinka Galdogob iyo Columbia Heights oo la mataaneeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this