Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliban oo amartay in la xiro xarumaha Haweenka lagu qurxiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta Taliban ayaa amray in bil gudaheed lagu xiro dhammaan goobaha haweenka lagu qurxiyo ee dalkaas oo dhan.

Tan iyo markii ay xukunka qabsatay Augsut 2021, dowladda Taliban ayaa ka mamnuucday gabdhaha iskuullada sare iyo jaamacadaha, beeraha lagu nasto iyo goobaha jirka lagu dhiso, waxayna amartay inay jirkooda oo idil qariyaan marka ay banaanka joogaan.

Haweenka ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay u shaqeeyaan QM iyo ururada aan dowliga ahayn, waxaana kumanaan ayaga ka mid ah laga eryey shaqooyinka ama lacag lagu siiyey inay guryahooda joogaan.

Mohammad Sadeq Akif Muhajir, oo ah afhayeenka Wasaaradda Horumarinta Wanaagga iyo ka-hortagga Xumaanta, ayaan sheegin sababta loo qaatay go’aanka.

Waxa uu sheegay in ganacsiyada la siiyey waqti ay ku xiraan, si ay u adeegsadaan dhammaan agabka u yaalla oo aanay khasaare u gelin.

Goobaha haweenka lagu qurxiyo ee Kabul iyo magaalooyinka kale ee Afghanistan ayaa bulaalay 20-kii sano ee ciidamada Mareykanka ay haysteen dalka.

Waxay noqdeen goobo amni ah oo haweenka ay isugu yimaadaan kuna sheekeystaan ayaga oo kasoo fogaanaya ragga, halka ay fursado ganacsi siiyeen haween badan.

PUNTLAND POST

The post Taliban oo amartay in la xiro xarumaha Haweenka lagu qurxiyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this