Sign in to follow this  
Deeq A.

Ololaha Barnaamijka Far-barashada oo laga Bilaabay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ololaha Barnaamijka Far-barashada oo laga Bilaabay Somaliland

IMG-20230704-WA0004.jpg

Hargeysa(Qaran)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL ayaa daahfurtay barnaamijka ololaha farbarashada iyo xisaabaadka oo ay ka wadashaqayn doonaan wasaaradda waxbarashda iyo jaamacaddaha dalku.

Xaflada furitaanka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaaradda waxbarashada ayaa waxa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka W.W&S qaar kamida jaamacadaha dalka iyo ardaydii hore uga aflaxday barnaamijkan.

Ugu horayn barnaamijkan ayaa waxa sharaxday agaasimaha waaxda waxbarashada dadban Sucaad Maxamed Cabdi oo ku dheeraatay muhiimada uu leeyahay barnaamijkan iyo sida ay uga go,antay wasaaradda in bulshada la gaadhsiiyo adeega waxbarashada.

Geestooda waxaa halkaasi ka hadlay ardaydii waxbarashadan loo bilaabay oo maanta meel heerkeedu sarayso marayo, qaar kamida madaxda jaamacadaha dalka oo iyagu sheegay inay dhankooda wasaaradda kala shaqayn doonaan barnaamijkan kor loogu qaadayo waxbarashada dadka aan fursadaha waxbarasahada helin.

Ugu danbayn Wasiir ku xigeenka W.W&S ayaa si rasmiya u furay barnaamijkaasi kana waramy muhiimada wasaaradu siinayso ololaha horumarinta farbarashada iyo xisaabaadka iyo in la gaadhsiiyo qof kasta oo reer Somaliland ah fursad ay wax ku bartaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this