Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad isku qoys ah oo ku dhintay hoobiyaal xalay lagu guraacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Hoobiye-620x330-1.jpg?resize=620%2C330&s

Saddex qof oo isku qoys ah ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii xalay hoobiye uu kusoo dhacay guri ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay weerarkan ayaa isku qoys ah, sida ay sheegeen booliiska Soomaaliya.

Weerarkan ayaa boolisku sheegeen inay ku dhinteen aabe iyo laba carruur ah oo uu dhalay. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hooyadii iyo laba kale oo carruur ah.

Booliika ayaa sheegay in hoobiyahan laga soo tuuray duleedka degmada Dayniile. Weerarkan ayaa ciidanku sheegeen inay soo tuureen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Dad isku qoys ah oo ku dhintay hoobiyaal xalay lagu guraacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this