Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay sharciga adag ee muhaajiriinta ee ka dhaqan-galay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa dhowaan meel mariyay sharciga SB 1718, oo uu gadaal ka riixayay barasaabka xisbiga Jamhuuriga Ron DeSantis.

Sharcigan ayaa lagu tilmaamay kii ugu adkaa ee ka dhan ah muhaajiriinta.

Goobaha ganacsiga ayaa shaqaalahooda uga digay in shaqooyinkooda ay khatar ku jiraan.

Sharcigan cusub ayaa soo galootiga aan la diwaan-gelin ka mamnuucaya inay helaan shaqo, kaararka aqoonsiga, adeegyada caafimaadka iyo gaadiid. Sharcigan ayaa dhaqan-galay shalay oo ay bisha July 1 ahayd.

“Sharcigii ugu adkaa ee ka dhan ah muhaajiriinta”

Askari Mareykan ah oo xuduudda ilaalinaya

DeSantis ayaa ku tilmaamay SB 1718 inuu yahay “kii ugu adkaa ee muhaajiriin sharci-darrada ah ka dhan ah ee dalkaas laga dhaqan-geliyo.”

Sharcigan ayaa ku qasbaya shirkadaha ay ka shaqeeyaan in ka badan 25 qof ama ka badan inay adeegsadaan hannaan lagu xaqiijinayo shaqaalaha (oo lagu magacaabo E-Verify), wuxuu ganaax US$1,000 maalintii kusoo rogayaa shirkadaha shaqaaleysiiya qof aan diwaan-gashaneyn, iyo in lagala laaban doono leysanka.

Wuxuu sharcigan sidoo kale mamnuucayaa in kaarar aqoonsi la siiyo dadka sharci-darrada kusoo gala Mareykanka.

Sidoo kale isbitaallada ayaa laga doonayaa inay ururiyaan xogta bukaanka una soo gudbiyaan maamulka gobolka.

Sharcigan ayaa sidoo kale dembi ka dhigaya in gaari lagu qaado qof aan diwaan-gashaneyn.

Machadka Siyaasadda Soo-galootiga, oo fadhigiisu yahay magaalada Washington ayaa ku qiyaasaya 772,000 muhaajiriin aan diwaan-gashaneyn ay ku nool yihiin Florida.

Mareykanka iyo Mexico oo ka wada hadlaya qaxootiga

Mareykanka

Saraakiisha dalalka Maraykanka iyo Mexico, ayaa iyaguna ka wada hadlaya barnaamij cusub oo qaxootiga Maraykanka ah, oo loogu talagalay qaar kamid ah magan-gelyo-doonka aan u dhalan dalka Mexico, ee ku sugan xadka Mexico, afar dhinac ayaa laga helay warkaasi, qayb ka mid ah isku dayga Madaxweyne Joe Biden ee uu ku abuurayo hannaan sharci ah, oo ay soo mari karaan dad badan oo magan galyo doon ah.

Barnaamijku waxay u badan tahay in loo oggolaan doono dadka ka imanaya dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo qaxootiga Venezuela ee ku sugan dalka Mexico, ilo-wareedyada ayaa sidaasi soo gudbiyey. Muhaajiriinta ayaa u baahan doona inay keenaan caddeymo muujinaya inay joogeen Mexico ka hor Juun 6-deeda, si ay ugu qalmaan in la qaabilo, mid kamid ah ilaha laga helay warka, ayaa sidaasi soo gudbiyey.

Ilahan – laba sarkaal oo ka kala tirsan dalalka Maraykan iyo Mexico, iyo laba qof oo arrintan wax ka yaqaan oo dhammaantood magacyadooda qariyey – ayaa waxay carrabka ku adkeeyeen in arrintu weli tahay mid laga wada hadlayo, oo aan go’aanno kama dambeys ah laga gaarin. Ma cadda inta qof ee ka faa’iidaysan karta barnaamijkan.

Boqollaal kun oo muhaajiriin ah oo ka kala yimid afarta waddan ee aynu soo xusnay, ayaa soo maray Mexico, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka, intii lagu jiray daganaansho la’aanta siyaasadeed, oo ay ka dhalatay dhaqaalo xumo sannadihii la soo dhaafay, taasoo culeys saartay tasiilaadka iyo kheyraadka labada dal, iyo cadaadis siyaasadeed oo soo food saaray Madaxweyne Biden, oo ka socda xisbiga Dimuqraadiga, kaasoo doonaya in dib loo doorto sanadka 2024-ka.

qaxootiga kolkii horaba sugayay oggolaanshaha.

Mareykanka

Hindisaha laga doodayo ayaa wuxuu noqon doonaa barnaamijka “Mudnaanta Labaad” ee qaxootiga, ilo-wareedyada ayaa sidaasi sheegay, oo lamid ah tani midkii loo furay Afgaanistaan sanadkii 2021-kii. Barnaamijyada noocan oo kale ah, ayaa u oggolaanaya kooxo gaar ah oo dad ah inay si toos ah u codsadaan barnaamijka aqoonsiga qaxootiga, iyaga oo aan u baahnayn gudbinta hey’adda Qaramada Midoobay.

In kasta oo wada-hadalladani, ay dowladda Mexico ka muujisay walaac weyn, ayuu yiri sarkaalka ka socda dhanka dowladda Mexico.

Haddii barnaamijku uu ku dhiirrigaliyo soo galooti badan inay galaan dalka Mexico, waxaa laga yaabaa inay canshuuraan, maadaama kheyraadka dalkani uu markii horeba uu ahaa mid ciriiri ku jiray, si loola tacaalo muhaajiriinta, ayuu yiri sarkaalku.

Mid kamid ah walaacyada ay qabto muhiimka ah ee dowladda Mexico, ayaa ah halka lagu kala hufayo laguna marsiinayo baaritaanka muhaajiriinta, ayuu yiri sarkaalku.

Haddii Maraykanku isticmaalo tas-hiilaadkiisa qunsuliyadda ee jira, qorshuhu wuu shaqayn karaa, laakiin xarun kasta oo cusub oo Maraykan ah oo ku taalla gudaha dalka Mexico, ayaa ujeedadeedu waxay noqon doontaa mid siyaasadaysan, ayuu sarkaalku intaa ku daray.

Go’aannada la sugayo waxay sidoo kale u baahan doonaan ka qeyb qaadashada wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico Alicia Barcena, oo aan weli loo dhaarin jagada, ayuu yiri sarkaalku.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this