Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Isugu Jira oo Ka Dhashay Hoobiyeyaal Ku Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waabirigii hore ee Saakay Hoobiyaasha ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku dhacay qeybo kamid magaalada caasimadda ee Muqdisho.

Waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Aabe  iyo Gabar uu dhalay hoobiyaasha mid ka mid ah oo kusoo dhacay gurigooda oo ku yaala xaafad ka tirsan degmada Wartanabadda ee gobolka Banaadir.

Waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen hooyada qoyska iyo xubno kale oo isla qoyska ah oo ay ku jiraan caruur uu dhalay Aabaha geeriyooday oo macalin dugsi ahaa sida ay sheegayaan wararka la helayo, xilli dhanka kale qeybo kamid degmada Deyniile ay ku dhaceen Hoobiyaal walow aan khasaaro lasoo sheegin ay geysteen ilaa iyo hadda.

Madaafiicda ayaa kusoo dhacay caasimadda xilli inta badan ay hurdeen bulshada caasimadda oo mar qura kusoo bararugay madaafiic xooggan oo ku dhaceysa qeybo kamid ah caasimadda, waxaana dhacdadaan ay kusoo aadaysaa xilli muddooyinkii caasimaddu ay aheyd mid degan marka loo eego falalka nuucaan ah.

Al-shabaab ayaa mararka qaarkood madaxtooyada dalka ku weerarta madaafiic, waxaana madaafiicdaasi intooda badan ay ku dhacaan guryo ay dagan yihiin dad shacab ah oo ka agdhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya, taasoo sababta in dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaarto dad shacab ah aan waxba galabsan.FB_IMG_1688450012339.jpg FB_IMG_1688450009325.jpg FB_IMG_1688450005835.jpg FB_IMG_1688450001953.jpg FB_IMG_1688449998730.jpg FB_IMG_1688449996216.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this