Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada GORGOR oo ka hortegay weerar qaraxyo ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
xoogga-dalka-dagaal-howlgal-ciidamada-ci

Galcad (Caasimada Online)  – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gorgor ay howlgal ka sameeyeen agagaarka degmada Galcad ee gobolkaasi, kaas oo lagu xaqiijinayo amniga.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu fashiliyay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidanka Gorgor.

Warkan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay howlgalladooda ku gaareen deegaanada Ceel Xaaji iyo Ceel Dhiigtaan oo hoostaga magaalada Galcad.

“Ururada 7aad iyo 9aad, guutada 18aad ee kumaandooska GorGor ayaa howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen degaanada Ceel-xaaji iyo ceel-dhiigtaar oo Hoostaga Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud waxaa ay ku fashiliyeen dhagar Bulshada Soomaaliyeed uu cadowga Khawaarijtu la damacsanaa.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska Gorgor.

Sidoo kale taliyaha ururka 7-aad ee ciidanka Kumaanooska Gorgor Dhamme Mahad Imaan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkooda, wuxuuna sheegay inuu ahaa mid lagu baacsanayay xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka Galcad.

Mahad Imaan ayaa sidoo kale sheegay in howlgalladan ay kusoo saareen miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmadaasi.

Taliyaha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi, isaga oo ugu baaqday dadka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda.

Galcad ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga faramaroojiyay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ay ku soo qaadaa weeraro arbushaad ah.

Si kastaba, gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu dambeeyay ee kooxda Al-Shabaab looga saarayo gobolladaas oo hoostaga Galmudug.

347388820_725605226272753_78905473352515 358032291_725605209606088_56641289061513 358115541_725605229606086_84269497805820 358133205_725605222939420_35672070605140

The post Ciidamada GORGOR oo ka hortegay weerar qaraxyo ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this