Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil uu shalay Mucamar al-Qadaafi oo halis ku galay xabsiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mid ah wiilasha hoggaamiyihii hore ee Libya, Mucamar al-Qadaafi, ayaa la sheegay in laga soo saaray xabsi ku yaalla dalka Lubnaan, halkaasoo uu cuntada ka soomay.

Waxaa haatan loo qaaday isbitaal, isagoo sida la sheegay ku sugan xaalad adag.

Hannibal Gaddafi ayaa in ka badan siddeed sano xabsi ku jiray.

Bishii la soo dhaafay ayuu cuntada ka soomay isagoo ka cabanayay muddada dheer ee uu xiran yahay iyadoo aan wax xukun ah lagu ridin.

Waxaa laga soo qabtay dalka Suuriya oo uu u cararay kadib markii aabbihiis la dilay sanadkii 2011.

PUNTLAND POST

The post Wiil uu shalay Mucamar al-Qadaafi oo halis ku galay xabsiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this