Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkish Airlines oo ku guuleysatay shirkadda ugu wanaagsan ee duulimaadyada Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1688437022194.jpg?resize=720%2C40

Shirkadda duulimaadka ee Turkish Airlines ayaa ku guuleysatay shirkadda ugu wanaagsan ee duulimaadyada Yurub, waa markii siddeed oo la guddoonsiinayo abaalmarintan ay bixiyo Skytrax, oo ah hay’adda caalamiga ah ee qiimeysa gaadiidka cirka.

Diyaaradaha shirkadan ku duusha calanka Turkiga , ayaa sidoo kale la siiyay abaalmarinta kuraasta ugu wanaagsan ee heerarka Business Class , Economy class iyo cunto-siinta, ee Koonfurta Yurub.

Turkish Airlines, waa shirkii u horreysay ee caalami ah oo burburkii kaddib duulimaad ka bilowday Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Turkish Airlines oo ku guuleysatay shirkadda ugu wanaagsan ee duulimaadyada Yurub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this