Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudi Carabiya oo u yeertay safiirkeedii u fadhiyay dalka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   
saudi-arabia-flag.jpg?resize=800%2C400&s

Sacuudi Carabiya ayaa u yeertay safiirka Sweden u fadhiya dalkaas, si ay u cambaareyso falkii lagu gubay Kitaabka Qu’raanka, oo Arbacadii ka dhacay dibedda Masjid ku yaalla magaalada Stockholm, waxaa sidaas soo werisay warbaahinta dowladda.

Boqortooyada, oo hoy u ah labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka ee Makka iyo Medina, ayaa horey Arbacadii u cambaareysay falkaas oo uu gaystay Salwan Momika oo ah 37 jir Ciraaqi ah oo ku nool Sweden.

Salwan ayaa ku istaagay kitaabka kahor inta aanu jeexin bogag ka mid ah oo dabadeedna dab qabadsiin, taasi oo dhalisay caro xoogga oo Sweden kaga timid dalalka Islaamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga waxay Axaddii u yeertay safiirka Sweden, si ay Sweden ugu booriso in ay joojiso dhammaan ficillada sida tooska ah uga hor imaanaya dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu faafiyo qiyamka dulqaadka, dhex-dhexaadnimada iyo diidmada xagjirnimada.

Gubitaanka Qur’aanka ee Salwan ayaa ku soo beegantay maalinta Ciidul Adxaa, islamarkaana la soo gaba gabeeyay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadlaha ah ee dalka Sacuudiga, taasoo keentay caro baahsan.

Dalal ay ka mid yihiin Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta iyo Morocco ayaa sidoo kale u yeeray safiirada Sweden u fadhiyan dalalkaas.

PUNTLAND POST

The post Sacuudi Carabiya oo u yeertay safiirkeedii u fadhiyay dalka Sweden appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this