Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ka hadlay Xaabaalo laga saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay arrin saacadihii la soo dhaafay aad looga hadal hayay baraha bulshada oo la xiriirta dhulka Qabuuraha Macallin Nuur oo dadka qaar sida ay sheegeen lagu yiri kala baxa meydadkii horey loogu aasay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo booqday halka ay ku yaallaan xabaalahaan ayaa warbahainta u sheegay in sharciga lala tiigsan doona cidkaste oo ku howlan burburinta iyo ka ganacsiga dhulka Qabuuraha Macalin Nuur ee deegaanka Garasbaaleey.

Wuxuu dadka deegaanka faray in ay joojiyaan meydadka dib loo faagayo.

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo iyo sawirro muujinayay xabaalo dib loo qodayo oo ehelada dadka halkaa horey loogu aasay ay kala baxayaan meydadkii taasi oo walaac iyo hadal hayn badan abuurtay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this