Sign in to follow this  
Deeq A.

Hanti-dhowrka qaranka oo u yeeray madax ka tirsan Villa Somalia, xafiiska R/W iyo BF

Recommended Posts

Deeq A.   
347421441_590549803264818_87885593952677

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka sare ee Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee JFS.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayay natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay xafiiska.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxa la isla lafa-guray warbixinnadii dhawaan lala wadaagay hay’adahaas iyo sidii loo dardargalin lahaa dhaqangalinta talooyinka uu xafiisku bixiyay.

Hanti-dhawrka iyo madaxda kale ayaa ugu dambeyntiina waxaa la iskula meel-dhigay sidii loo sii xoojin lahaa isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’adaha iyo dowlad wanaagga.

Kulanka maanta ayaa imanaya ka gadaal markii shalay uu xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka uu soo saaray war-saxaafadeed uu ku shaaciyay in labada Aqal ee BFS uu ugudbiyay warbixinta baarista u hoggaansanaanta sharciga (Compliance Audit Report) iyo warbixinta baarista Maaliyadeed ee dowladda (FGS Financial Audit Report) ee sanad maaliyadeedkii dhammaaday ee 31-kii Diseembar ee sanadkii hore 2022.

Tallaabadan ayaa ah midii ugu horeysay ee uu qaado xafiisku soona soo saaro warbixinnada baarista si waqtiyeysan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Hantidhowraha.

“Haddaba XHGQ oo gudanaya waajibkaas dastuuriga ah waxa uu markii ugu horreysay soo saaray warbixinnadiisa baarista si waqtiyeysan, isaga oo u gudbiyay labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, xafiiska Madaxweynaha JFS iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS si waafaqsan sharciga” aya lagu yiri qoraalka.

347421441_590549803264818_87885593952677

347444821_590549913264807_21692696410061

347549995_590550019931463_22631148662764

347420937_590549959931469_64247296950754

347430548_590549826598149_25824937345097

347435562_590549889931476_57281320516489

347404534_590549969931468_89342195846993

347392185_590549883264810_35624261096605

The post Hanti-dhowrka qaranka oo u yeeray madax ka tirsan Villa Somalia, xafiiska R/W iyo BF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this