Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne DENI iyo Karaash oo isku khilaafay qorshaha muddo kororsiga

Recommended Posts

Deeq A.   
pjimage-2-1.jpg?fit=1920%2C1080&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Axmed Karaash ayaa isku khilaafay qorshaha muddo kororsiga ee xukuumadda waddo.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa isku seegay qorshahaas, ayada oo Karaash uu ka horyimid muddo kororsiga ay waddo xukuumadda uu hoggaamiyo Deni.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa muddooyinkii dambe ka shaqeynayay sidii uu muddo kororsi u sameyn lahaa, si aysan doorashada kusoo food leh u qabsoomin waqtigii sharciga ahaa ee la doortay oo ku beegan 8 Janaayo ee sanadka 2024-ka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa lasoo warinayaa inuu diidan yahay qorshaha Deni ee muddo kororsiga, wuxuuna doonaya in doorashada lagu qabto waqtigeeda, si meesha looga saaro xiisadda ka dhalatay qorshahaan iyo rabitaanka guracan ee Saciid Deni.

Karaash ayaa waxa uu go’aankiisan ku ladhay dooda ah “in haddii muddo kororsi yimaado uu horseedayo qalalaase amni iyo dagaal sokeeye oo ka qarxa Puntland,” sidii horeba isku-deygaas looga dhaxlay.

Axme Karaash oo hadda ku maqan Xajka ayaa waxaa la filayaa in marka uu soo laabto uu si rasmi ah u caddeeyo mowqifkiisa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, taasi oo salk ku haysa damaca guracan ee madaxweyne Saciid Deni.

Arrimahan ayaa kusoo aadeysa, xilli ay kasii daretso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland, iyada oo Isimada gobolka Nugaal ay dalbadeen in la hakiyo tallaabooyinka wax ka bedelka Dastuurka Puntland illaa inta ay ka dageyso xiisadda siyaasadeed ee dhawaan isku rogtay gacan ka hadalka.

Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa gadaal ka riixaya qorshaha wax ka bedelka loogu sameynayo Dastuurka, oo sida la fahamsan yahay gacan-saar la leh madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhawaan ayay aheyd markii Golaha uu ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka Puntland, kadib markii ay ogol ugu codeeyeen 34 mudane oo kamid ah 35 mudane oo soo xaadiray kulankaasi.

Si kastababa, Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo hubanti la’aan ah, maadaama gacan ka hadal uu ka dhashay furista Dastuurka maamulkaasi, kaasi oo ay meel adag iska taageen siyaasiyiinta mucaaradka.

The post Xog: Madaxweyne DENI iyo Karaash oo isku khilaafay qorshaha muddo kororsiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this