Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo shaariciyada Hargeysa kaga Mudaharaaday Maayar Ciddin

Recommended Posts

Deeq A.   

Hooyo shaariciyada Hargeysa kaga Mudaharaaday Maayar Ciddin
Screenshot_20230703_155353_YouTube.jpg

Hargeysa(Qaran)- Hooyo Basra Xaaji Saleebaan oo ah islaan waayeel ah ayaa boodh cabasho ku qoran tahay la dhex martay shaaricyada Hargeysa, kaasi oo ay kaga cabanayso Maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin oo ay ku eedaysay inuu ka qaaday guri ay aabaheed ka dhaxashay.

Hooyo Basra oo sidata boodh lagu soo xardhay hal ku-dhegyo cabasho ah iyo sawirka guriga ay sheegtay in Maayarka Berbera ka qaaday waxay socod ku martay jidka badhtamaha Harhrysa gaar ahaan shacab ilaa madaxtooyada Somaliland. Haljaadi oo dadka iyo gaadiidkuba daawanayeen.

Basra X. Saleebaan waxay sheegtay in Maayar Ciddin uu mar xidhay isla markaana gurigaasi oo qadiim ah ku jiro gacantiisa oo uu alasb dhigtay.

“Waxaan leeyahay ina Ciddin haddii aad gurigayagii iga qaaday adiga ayas adduunyada u cusube qaado oo aniga ii dhaaro uun,” ayey tidhi Hooyo Basra oo qar ka mid ah warbaahinta kula hadashay Hargeysa.

Ma jiro war ka soo baxay Maayarka Berbera oo uu kaga jawaab celiyay eedd hooyadaasi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this