Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha oo kulan la yeelan doona Gud-xigeenka Guddida Arrimaha Dibeda ee Golaha Guurtida Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha oo kulan la yeelan doona Gud-xigeenka Guddida Arrimaha Dibeda ee Golaha Guurtida Faransiiska

Hargeysa- Gudoomiye-xigeenka Guddida Arrimaha Dibedda golaha Guuritda Faransiiska Md. Olivier Cadic oo shalay booqasho ku yimi dalka ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi.
Md. Olivier Cadic oo ka hadalay booqashadiisa dalka ayaa ka mahadceliyey sida diiran ee xubnaha Golayaasha Qaranka iyo xukuumadu u soo dhaweeyeen, isla markaana sheegay inuu kulamo kala duwan la qaadan doono dhinacyo kala duwan. Waxaanu yidhi;
“Waxaan kulan la leeyahay Madaxweynaha Qaranku iyo madax kale oo Somaliland ah iyo goleyaasha qaranka.
Gudoomiye-xigeenka Arrimaha Dibedda Golaha Guurtida Faransiiska ayaa sheegay in arrimo badan ka wada xaajoon doonaan masuuliyiinta Somaliland, isagoo yidhi,
“Waxaanu ka wada xaajoon doonaa arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha, iyo arrimo kale oo xoojinaya xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Faransiiska

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this