Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Saleebaan oo la Kulmay Wefti Faransiis ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye Saleebaan oo la Kulmay Wefti Faransiis ah

Hargeysa(Qaran)-Guddoomiyaha golaha guurtida JSL Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabiley xildhibaan Olivier Cadic, ahna guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtida dalka Faransiiska.

Xildhibaan Olivier ayaa dalka ku yimid booqasho uu ka helay golaha guurtida Somaliland, waxaana mudada uu joogo uu kulamo la qaadan doona madaxda dowladda.

Guddoomiye Saleebaan ayaa guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtida dalka Faransiiska uga mahadceliyay imaatinkiisa Somaliland.

Sidoo kale xildhibaan Olifiyer Kadik,Olivier Cadik, ahna guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtida dalka Faransiiska, ayaa beesha caalamka u soojeediyay in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ka markhaati kacay horumarka ay sameysay 32-kii sano ee ay jirtay.

Geesta kale safiirka dalka Faransiiska ujooga JSL ayaa ka hadlay waxa ay Somaliland uga dhigan tahay imaanshiyaha Xildhibaan Olivier.

Gaba’gabadii Xildhibaan Olivier ayaa bilad guddoonsiiyay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, halka sidoo kale xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha Indho ahna guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtidu uu xildhibaan Olivier Cadic ku tolay astaanta golaha guurtida Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this