Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Ka Jawaabay Cabashada Ka Timid Dhulka Qubuuraha Macallin Nuur

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) si uu ugu jawaabo cabasho ka timid qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda ee ku dhaqan halkaasi.
Duqa Caasimadda oo ay wehliyeen Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Afhayeenka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay Bulsho ka wal-walsan warar muddooyinkii ugu danbeeyay baraha Bulshada la isla dhex maraayay taasi oo aheyd in halkaasi la dhisanaayo isla markaana qubuuraha laga bixinaayo.
Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Qubuuraha Macalin Nuur uu yahay mid soo jireen ah oo aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan, Dowladda Hoose ee Xamar iyadu Mas’uul ka tahay wixii Qubuuro ah, waxa uuna amray in aan laga saari karin wax qabri ah, halkaasna laga dhisi karin guryo.
Guddoomiyaha ayaa faray Maamulka Deegaanka Garasbaaley iyo Agaasinka Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar Naqshadeynta iyo in darbi lagu wareejiyo Qubuuraha Macalin Nuur si aysan u dhicin ku xad-gudub dhinaca dhulka ah, maadaama muddooyinkaan uu muran ka taagnaa
357056879_662240162619945_43841437539111
357693193_662240229286605_14655302776778
357119403_662240182619943_12696845397121
358136724_662240389286589_67383135802967
357558102_662240272619934_87216406254063
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this