Sign in to follow this  
General Duke

Fear of the few: The lies and propoganda of Xamar warlords

Recommended Posts

BEEN ABUURKA IYO DAD ISKU DIRIDDA -SHABAKADDA DAYNIILE-

W:Q A Qani Farah

--------------------------------------------------------------------------------

Bacda salaan mahad Alle ayaa leh (SW),naxariisna Nabigeenii (SCW)amaan iyo abaalna waxaan u haynaa maamulka mudug online sida sharafta leh oo ay had iyo jeer ugu soo baahiyaan qoralada ayagoon qofna sharaftiisa iyo cirdigiisa waxba ugu dhimeen,hadaba walaalayaal qoraalkaan waa mid aniga qoraha ah ii gaar ah waana aragtidayda gaarka ah.-

 

Walaalayaal sida aynu wada ogsoon nahay Ummadeena waxay soo martay dagaal Sokeeye oo soconayay muddo ku dhow 15 sanno,waxaa nasiib wanaag ah in aan maanta haysano Dowlad Soomaaliduna waxay tiraahdaa Dowlad la'aan Dowlad xun ayaa dhaanta,ayadoo aan ilaa hadda lagu tilmaami karin dowladdaan xumo iyo samo,waayo wali ma aysan caga dhigan,sidaas darteed waxaa waayahaan dambe ka soo burqanayaa Shabakadda Dayni- ile been abuur iyo dad isku dirid oo aan geed loogu soo gaban, waxaan filayaa in aan loo baahnayn wixii ay ka qortay qudbadii uu ka jeediyay Madax waynaha Cabdullahi Yusuf Axmed iyo R/W Geedi magaalada Garowe,anigu waxaan dhagaystay qudbadaas waxaana ka fahmay madax la hadashay shib u diyaar ah in la helo dal nabad ah,nasiib daro Shabakada dayniile ayadoo u adaygaysa dad yar oo wata dana gaar ahaaneed ayay hadaladii wanaagsanaa oo ay meel walba ka akhrinayaeen Madaxda Soomaaliyeed waxay u badashay in duulaan lagu yahay ****** .-

 

Hadaba Sua'aashu maxay tahay ! maxaa dan u ah Ummadda Soomaaliyeed Yaase hor taagan?

 

Jawaab:-Soomaali waxaa dan u ah maanta in ay Dowladooda ay garab is taagaan ayagoo xasuusan wixii aynu ka dhaxal- nay dagaalkii sokeeye.-

 

Yaa hor taagan:-waxaa hor taagan 4 qof oo dantooda gaar ahaan- ed fiirsanayaa ayagoo ku adeeganayaa dad masaakiin ah oo ay nolol maalmeedkoodii uga dhigeen xoolihii laga boobay Soomali oo ay xooga ku haystaan.-

 

Waxaa xusid muddan Walaalkeen Cabdi Qasim Salaad, qudbadii uu ka jeediyay Xamar maxaan oran karnaa ma waxbuu ku wanaa-jinhayay mise Soomali ayuu dab isugu dhiibayay waa Su'aal taagan oo qof waliba arko.- Aniguse waxaan u arkaa in uu hurinayo dagaal dambe,sababtoo ah hadaladiisii waxaa ka mid ah in uu yiri Maanta dagaalo ayaa ka socda Somaaliya meel kasta mana jiraan wax dagaal ah oo socda.

 

Gabogabo:-Walaalayaal waxaa maanta hortaagan Dowladda naba-dda raadinaysa waa kuwa ALLE ka cabsigu ku yar yahay oo doo-nahay inay booli wax ku cunaan ayagana ALLAHA xaqa ha tuso xaarantana ha qabto.-

 

Waxaan Hadalkayga ku khatimayaa heestii wadaniga ahayd:-

 

-SOOMAALIYEEY TOOSAY TOSOO ISKU TIIRSADA OO

-HADBA KIINA TAAGDARANEE TAGEERA WALIGIINEE

 

AQani Farah

xandulle60@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this