Deeq A. Posted July 2, 2023 Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo xoogagga RSF ayaa weli ka socda duleedka waqooyi ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Dadka aagga ku sugan ayaa sheegaya in RSF ay isku dayday in ay weerarto fariisimaha ciidamada Suudaan, iyadoo halka dagaalka uu ka bilowday ay ku dhowdahay saldhig ciidamada cirka ah oo ay ka duulaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamada dowlada Sudan. Duqeymo dhanka cirka ah ayaa laga bilaabay qeybo ka mid ah waqooyiga caasimadda,waxaana dhanka bari ee magaalada loo adeegsaday madaafiic culus. “RSF waxa ay sheegtay in ay ku soo riday diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Sudan gudaha degmada Baxri,” ayay tiri weriye u soo waranta taleefishinta Aljazeera. Bahri, oo sidoo kale loo yaqaan Khartoum North, waa mid ka mid ah saddexda degmo ee ka kooban tahay Khartoum Weyn. Dagaallada tan iyo 15-kii Abriil dhexmaray ciidamada daacadda u ah madaxa ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo RSF ayaa lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof. PUNTLAND POST The post Dagaallo culus oo weli ka socda dalka Suudaan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites