Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabayl Xagaaga Hargeysa iyo Tirada Khasaaraha ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabayl Xagaaga Hargeysa iyo Tirada Khasaaraha ka dhashay

Hargeysa(Qaran)-Maalmihii u dambeeyay waxa ku soo badanaya Magaalada Hargeysa gubashada guryaha, xili ay magaalada beryahan ay ka dhacayso dabayl xagaa xoog lihi.

IMG-20230702-WA0004.jpg
Alle ha u naxariistee Wiil yar ayaa ku dhintay guri daar ah oo dab qabsaday kuna yaala xaafadda Half-london ee Magaalada Hargeysa maanta.

Ciidanka Booliska gaar ahaan qaybta Dembi Baadhista ayaa la wareegay baadhista kiiska iyo meydka ilmaha yarba.

Sidoo kale laba Hotel oo kala duwan oo ku yaalla Hargeysa ayaa ku sigtay inay gubtaan shalay iyo maanta.

Ciidanka dabdamiska Hargeysa ayaa war ka soo baxay ku booriyay dadweynaha inay taxadar dheeraad ag sameeyaan, isla markaana ay haama yaryar ee dab bakhtiinta loo adeegsado dhigtaan guryaha iyo meheradaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this