Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad baxyada dalka Faransiiska iyo Madaxweynaha Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa fiidnimada Axadda la kulmi doona madaxda sare ee dowladda si uu ugala hadlo sidii loo soo afjari lahaa dibadbaxyada ka socda guud ahaan dalka.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada, Mr. Macron wuxuu la kulmi doonaa ra’iisul wasaare Elisabeth Borne, wasiirka arrimaha gudaha Gérald Darmanin iyo wasiirka caddaaladda Eric Dupond-Moretti si uu ugala hadlo arrintan.

Ugu yaraan afar maalmood ayaa dalka oo dhan waxa ka socday mudaaharaadyo kaddib markii askari booliis ah uu wiil 17 jir ah ku toogtay magaalada Paris.

Halkaas oo lagu gubay dukaamo, baabuur iyo dugsiyo, laguna burburiyay dhismayaal dowladeed.

Ayeeyada wiilkan dhalinyarada ah ayaa ku baaqday in la dejiyo colaada ka dhalatay dilka wiilkeeda.

“Ma doonayno inay burburiyaan dukaamada dadka, ama baabuurta iyo dugsiyada,” ayey Nadia u sheegtay BFM TV.

Ayeeyada wiilka ayaa ka cabatay in mudaaharaadayaashu “ay ku dhuumanayaan arrinta Nahel, markaa waxaan rabnaa xasillooni” ayey sii raacisay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this