Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Beesha Abgaal oo ka digtay ‘qorshe ay waddo’ beesha Xawaadle

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_2512.jpeg?fit=1150%2C612&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah waxgaradka beesha Abgaal ee degta xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa soo saaray digniin ku socota bessha Xawaadle.

Odayaal u hadlay beesha Abgaal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beesha Xawaadle ay xuduuda labada gobol ka bilowday dhul balaarsi cusub.

Sidoo kale odayaashaan waxay sheegeen in xaaladda ka taagan xuduuda labada gobol ay qarka u saaran tahay gacan ka hadal, iyagoo balan qaaday in nabad darrada aysan ka bilaaba doonin Abgaal, balse ay ka baqayaan in walaalahood Xawaadle uu bilaabo.

Deegaanka ay hadda xiisadaasi ka taagan tahay waxaa lagu magacaabaa Xalfooley, wuxuuna dhacaa xuduuda labada gobol, Xalfooley ayaa ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Odayaasha hadlay waxay sheegeen in aysan diidaneyn in walaalahood Xawaadle ay la soo degaan oo dhulka Abgaal ay xoolaha daaqsadaan, ceelashana la cabaan, balse waxay diidan yihiin in deegaameysi cusub laga sameysto aagaas.

Odayaasha Abgaal ee warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in qoysas ka soo naq raacay Hiiraan oo beesha Xawaadle ah ay aagga degaanka Xalfooley ka bilaabeen deegaameysi cusub, iyagoo qodanayo Baraago, Baco ama aas-aasaya tuulooyin cusub.

“Walaalayaal dib u sikada waa taqaaniin degaankiina, Abgaal dhulkiisana waa taqaaniin, ma ogolin in dhulkeena aad baraago iyo baco ka qodotaan ama tuulo cusub ka aasaastaan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay ee beesha Abgaal Cismaan.

Xiisadaan cusub ayaa timid xilli xaaladda gobolka Hiiraan ay qasan tahay oo maamulkii uu khilaaf culus ka dhex taagan yahay, sidoo kale dhulka uu murankaani ka taagan yahay waxaa dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

The post Daawo: Beesha Abgaal oo ka digtay ‘qorshe ay waddo’ beesha Xawaadle appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this