Sign in to follow this  
Deeq A.

Faa’iidooyinka caafimaad ee Huruudda

Recommended Posts

Deeq A.   

Faa’iidooyinka caafimaad ee Huruuddu sidan ayey noqon karaan:
1. waxaa ku jira waxa loo yaqaan curcumin, oo ah unug ‘bioactive’ ka ilaaliya.

2. Waxay ka caawin kartaa jirka inuu la dagaallamo astaamaha caabuqyada.

3. Waxa loo isticmaali karaa daawaynta qaar ka mid ah currada kala goysyada ku dhaca.

4 . Waxa ku jira turmerone oo laga yaabo inay wax ka tarto daawaynta istaroogga iyo cudurka xusuus guurka.

5. waxay ka ilaalin kartaa cudurrada wadnaha iyada oo la dagaalanta suntan iyo bararka.

6 . Waxay naga caawin kartaa in aan la dagaallanno caabuqyada iyada oo sidoo kale inaga difaacaysa xasaasiyadda.

7 . Waxay ka hor tagtaa koritaanka unugyada kansarka.

8. Waxay wanaajin kartaa niyadda qofka waxayna sii deyn kartaa kiimikooyinka maskaxda faa’iido u leh, sida serotonin iyo dopamine.

9. Waxay door muhiim ah ka ciyaari kartaa xoojinta xusuusta.

10. Waxay unugyada ka ilaalin kartaa dhaawaca, si ay u yarayso calaamadaha gabowga.

Qof walba ma u haboon tahay?

Huruud

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Inteena badan, huruuddu waa ikhtiyaar aan dhibaato lahayn, laakiin xaaladaha qaarkood taxaddar ayaa lagasoo jeedinayaa.

  • Haddii aad uur leedahay, waa in aad ka fogaataa qaadashada wax badan uu huruud ah. Daraasadihii ugu dambeeyay ee xayawaanku waxay soo jeedinayaan in ‘curcumin’ oo huruudda ku jira sidaan kor kuso xusnay uu bedeli karo heerarka hoormoonka loo yaqaan ‘estrogen’. Si kastaba ha ahaatee, in aad huruudda wax yar ka isticmaasho, sida cuntada ama cabitaanka, waxay faa’iido u yeelan kartaa xilliga uurka.
  • Haddii aad qabto dhiig-yaraanta birta, ka fogow inaad cuntid huruud tiro badan. huruuddu waxay u muuqataa inay isku duubto biraha mudhicirka, taas oo hor seedda in ay nuumi waayaan isla markaana waxay uga sii darta xaaladda yaraanta birta.
  • Haddii aad la ildaran tahay dhagxaanta xameetida, xannibaadda xameetida ama beerka oo ku xanuunaya, ogow in huruuddu ay kordhiso dheecaanka xameetida. Haddii aad cuntadaada u isticmaasho xaddi badan oo huruud ah waxa laga yaabaa in xaaladdu ka sii darto.
  • Haddii aad daawo qaadanayso, talo weydiiso dhaqtar-gaaga ama farmashiistahaaga. Dadka qaata dawooyinka dhiigga khafiifiya, daawooyinka sonkorowga, ama PPI-yada sida omeprazole ee dib-u-soo-celinta aashitada waa inay si gaar ah uga taxaddaraan gedkan jaalaha ah.

Weli waxaa jira wax badan oo laga baran karo saamaynta iyo dhex galka huruuddo samayso. Ilaa hadda, inta badan caddaynta waxaa laga soo qaatay daraasado xayawaan lagu sameeyay iyo tuubooyin shaybaarka dhexdiisa uun ah, waxaana loo baahan yahay cilmi-baaris dheeraad ah si loo qiimeeyo saameynta huruudda ee caafimaadka aadanaha.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this