Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo cambaareeyay xadhiga 2 Weriye oo ku xidhan Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo cambaareeyay xadhiga 2 Weriye oo ku xidhan Hargeysa

Hargeysa (Qaran-news) Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa cambaareeyay xadhiga weriyeyaasha kala ah Bushaaro Baandey iyo Cabdiqani Baylood oo ku xidhan Hargeysa.

War ka soo baxay Xafiiska maamulka gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI ayaa xukuumadda loogu baaqay inay si dhakhsaha xoriyadoodii loogu soo celiyo weriyeyaashaas oo ay naqdiyeen xadhigooda.

“Waxa xidhan weriyeyaasha kala ah Bushaaro Baanday iyo Cabdiqani Bsylood, waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda inay sida ugu dhakhsaha badan u sii dayso Suxufiyiintaas ama ay horgeyso maxkamad,” ayuu yidhi Gudfoomiye Kuxigeenka Waddani ee Gobolka Maroodijeex oo la hadlay warbaahintu.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay xukuumadda inuu faraheeda ka baxay gobolka Sool.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this