Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 25 ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 25 ruux ayaa ku geeriyooday gaari bas ah oo shil ku galay kadibna dab qabsaday Gobolka Maharashtra ee galbeedka Hindiya.

“Basku wuxuu ka yimid magaalada Nagpur, isagoo ku socday Pune markii abbaaro 1:35 gelinkii dambe uu shil ku galay jidka Samruddhi Mahamarg, ka dib taangiga naaftada ee baska uu dab qabsaday,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliiska oo la hadlay Reuters.

“Dhimashada ugu badan waxay ka dhalatay gubasho, dadka qaarkoodna wejiyadooda lama aqoonsan karo” ayuu intaas ku daray.

25 qof ayaa dhintay 8 kalana waa ku dhaawacantay  ayuu yiri Ku xigeenka madaxa gobolka Maharashtra Devendra Fadnavis oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Madaxa gobolka Eknath Shinde iyo Raisal wasaaraha Narendra Modi ayaa sheegay in ey murugada la qeybsanayaan qoysaska dhibaatadu soo gaartay.

Waxay sheegeen inay siin doonaan taageero qoys kasta oo dhibane ah, taasoo dhan 700,000 rupees oo lacagta Hindiya ah, una dhiganta $ 8,500 Dollar.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 25 ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this