Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo tababar usoo xirtay 3,000 askari oo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidan-ciidamada.jpg?fit=1920%2C1080&ssl

Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya,Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta 3,000 oo askari tababar ugu soo xiray dalka Uganda.

Ciidamadan oo ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay lagu tababarayay dalkaasi.

Ciidamada ayaa halkaasi ku soo bandhigay dhoolatus ku aaddan xirfadooda ciidanimo, xilli munaasabaddii tababarka loogu soo xirayay ay ku sugnaayeen Wasiirka Gaashaandhigga Uganda, Vincent Ssempijja iyo Taliyaha Ciidamada ee dalkaasi, General Wilson Mbadi.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabaddaasi ayaa ciidamada ku bogaadiyay inay u diyaargaroobeen difaaca qarankooda.

“Maanta waxaad qaadateen tababarkii ugu horreyay oo jir iyo farsamaba leh, waxaad kaloo qaadateen tababar maskaxeed oo ah inaad u diyaargaroodeen maskax ahaan inaad qarankiina ku difaacdaan naftiina, caqligiina iyo xoogiina,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Diyaargarowgaasi aad u diyaargaroodeen la dagaalanka Khawaarijta iyo inaad shacabka Soomaaliyeed amnigooda sugtaan, waxaad go’aan ugu qaadateen inay dhab idinka noqoto ayaa la idinka rabaa.”

“Qofka bani’aadamka ah waxa ugu dambeeyo ee uu bixiyo waa nafsaddiisa, waxaad keenteen oo aad la soo shir-tagteen idinkoo dhallinyaro ah mustaqbalkiina hor leeyahay inaad dalkiina, dadkiina iyo diintiina u dhimataan,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiir Jaamac ayaa ciidamada kula dardaarmay “Waxaa idinka reeban wax walba oo xumaan ah inaad ku gaysataan tababarka la idin siiyay, oo diintuna xarimtay, shuruucda dalkana xarimtay.”

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidamadan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo caawa dalka looga dabaaldegayo munaasabadda sanad guurada 63aad ee ka soo wareegatay, markii Gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Soomaaliya.
Ciidan-ciidamada.jpg?resize=696%2C392&ss 350522653_806784261012426_53573167081271 357098797_806784247679094_47700128437225 350520312_806784241012428_68190487292677 352785334_806784221012430_31250936393568 352814479_806784164345769_11847383440655

The post Sawirro: DF oo tababar usoo xirtay 3,000 askari oo cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this